|

Xil-wareejintii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Oo Ay Hadhaysay Dhaliishii Wasiirkii Hore Iyo Difaaca Wasiirka Cusub Ee Xukuumadda

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa Shalay Xilka kala wareegay Wasiirkii ka horreeyay Cali Xaamud Jibriil oo dhawaan uu Madaxweynuhu Xilka ka qaaday.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ka soo jeediyey hadallo ku saabsan Xilka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyaga oo sidoo kalena isku duur-xulay.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu sii ahaanayo Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Xubnihii ugu horreeyay ee lagu aasaasay, waxaanu yidhi “Anigu Xisbiga KULMIYE waan sii joogayaa..”

Cali Xaamud waxa kale oo uu ka warramay inay dhibaato ka dhalan karto haddii Talada Dalku Cid aan Madaxweynaha ahayn Gacanta u gasho, waxaanu yidhi “Haddii Koox gaar ah oo Dano gaar ah lihi ay saamayn ku yeeshaan Go’aannada Xaasaasiga ah ee Qarankan oo ay keligood sax iyo khalad bam eel marsadaan, halkaa waxa ka dhalaya habkii aynu u codaynay ee ahaa inaynu ku dhaqanno furfurnaan, Talo-wadaag is xaq-dhowr, taasi oo Dastuurku sal u yahay.”

Wasiirka hore wuxuu khudbaddiisa ku soo gebo-gabeeyay hadal uu ugu duur-xulay Wasiirka Xilka kala wareegay, isagoo xusay in Xilka loo Magacaabay xilli muddo-xileedka Xukuumaddu Dabayaaqo yahay, “Riwaayaduhu markay dhamaanayaan ee Heesta u dambaysa socoto, Dadka badhkood dibadda ayay iskaga baxaan, Askariga Albaabka taaganina wuxuu ka hor dhaqaaqaa Dadkii Awoodi waayay inay goostaan Tigidhka ee Dibadda dhaxantu ku dishay (Si ay Heesta u dambaysa u daawadaan), markaa waxaan leeyahay aad baan Xukuumadda ula soo kifaaxay, Xisbigaygii baan u Madax-bannnanahay, waxaan leeyahay ku soo dhawow.”ayuu yidhi.

Wasiirka Xilka la wareegay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo isaguna khudbad dheer halkaa ka soo jeediyey ayaa isbarbar-dhig ku sameeyay Xaaladdii ay ku shaqayn jirtay Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin oo ka tirsanaa iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu imika ka mid noqday, “Annagu waxaanu Mushahar u qaadan jirnay (Wakhtigii UDUD) 213 Dollar, Gurigaan ku jiray Kiradiisuna waxay ahayd 350 Dollar, Xafiiskana waxa yaalay Hal Koombiyuutar iyo laba Xumaaday, Kuraastuna way jajabnaayeen, qoladii naga sii horreysayna haddii Cabdiraxmaan Aw Cali la yidhaahdo Kabaha ayaaba lagala baxay, Ina Cigaalna wuxuu yidhi Nidaamka ayay dhisaynaa, Annaguna waxaanu kor u soo qaadnay Nidaamkii iy Dimuqraadiyaddii, markii aanu Saddex Sannadood shaqeynaynay ayaa Mushaharkii la nooga dhigay 413 Dollar. Miisaaniyaddii aanu 2003-dii ku bilownay 18-ka Milyan ee aanu soo gaadhsiinay 45-ka Milyan, Maanta waxa laga sheekaynayaa Saddex boqol oo Milyan, waxa laga sheekaynayaa SDF oo nimcaa la helay, markaa waynu dhaqaaqaynaa oo dhibka waynu ka gudbaynaa, dhaliishuna way iska jiraysaa.”

Wasiirka  cusub ee Xidhiidhka Goleyaashu wuxuu ku baaqay haddii aan Qabyaalad la deynin in Caddaalad-na la helo, “Hadda waxaynu ku soconaa waa Baho, Bahahaa aynu hagaajino aynu hagaajinno ayaa meesha taalla, reeraha sidaynu u hagaajinaa oo aynu inyar oo Cadaalad ah ugu darnaa, Cadaaladda waxa laga rabaa kolba inta joogta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne Xilka aad ii dhiibtay waan kuugu Mahad-naqayaa hadday Saacad-badhkeed ka hadhay iyo Hadday Saddex Bilood ka hadhayba, hawl adag oo olole ah ayaa inoo taalla, kaanu ku dagaalamaynaa waa in Shan iyo Tobanka sannadood ee soo socda uu Magaca KULMIYE sii taagnaado.”

Comments are closed