|

Xildhibaan Baarlamanka Somaliland Ka Tirsan oo Sheegay In Xilalka Qaranka Ugu Sareeya Beel Kali ahi Isku Taxday,Bariguna Saluug Badan Tirsanayo & Baaq uu u Diray Gudoomiye Cirro

Hargaysa 08. April 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee kasoo jeeda gobolka Sool, isla markaana xisbiga talada Somalialnd haya ee KULMIYE katirsan, ayaa ka hadlay saluugga ay gobolladaasi ka qabaan saami-qaybsiga ku saabsan hannaanka xilalka dalka loo qaybsado, waxana uu si cad u sheegay inaan saamigaas sinaba loogu sinnayn.

Xildhibaanka oo u warramay Barnaamijka Bilicsiga siyaasiga ee ka baxa Telefishanka Universal ee uu daadaheeyo safaxi Faysal Fadh-fadhle, ayaa sidoo kale xukuumadda ku ammaanay horumarka ay ka samaysay wada-hadallada ay kula jirto maamulka Khaatumo, isaga oo sidoo kalena ka hadlay xilka guddoomiyenimada wakiillada oo waqtiga uu guddoomiye Cirro ka dego lagu wado inuu masuul gobollada Bariga kasoo jeedaa la wareegi doono.

 

Ugu horrayn xildhibaan Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in guusha ugu weyn ee Somaliland heli  doontaa noqon doonto midhaha kasoo baxa wada-hadalka Khaatumo, waxana uu shaaciyey inay waajib tahay in talaasulaad badan loo muujiyo wada-hadalkaas, waxana uu yidhi, “Khaatumo maamul looma aqoonsan, dawlad gaar ahna looma aqoonsane dad walaalo ah oo heshiinayo weeye, walaalkaa wuxuu kugu raacoyana waa la yeelaa madaxweynuhuna wuu ku ammaanan yahay inuu dhabarka u godo wax allaale wixii ay Somaliland isku raacayso, dagaal, xoog iyo cududna cidna laguma riixi karo, midnimada Somaliland bayna dan u tahay wada-hadalka Khaatumo oo midnimada Somaliland baa ku jirta, dhaqaalaha maanta inagaga baxa ciidamada halkaas ku sugunna waxa ay kafayn lahaayeen horumarinta, dadkuna iyaga oo wada jira ayey u wada jihaysan lahaayeen horumarka.”

 

Xildhibaanku waxa uu ka hadlay saluugga gobollada barigu katirsanayaan hannaanka Somaliland gudaheeda looga qaybsado xilalka sarsare, waxana uu si cad u sheegay inaanu shaki ku jirin inay cidi isku koobtay xilalkii muhiimka ahaa oo dhan, “Wax bay deegaannada Barigu tabanayaan oo xagga horumarka iyo xaggii siyaasaddaba, dalkana markaad sidaas u eegto marka beelo la inaga dhigo boqolkiiba shan  iyo sagaashan(95%) reer kaliya ayaa haysta isagu haysa sii kala qaybiyo oo ba’ cambaraa wax ka maqan yihiin iyo waxaas ha yidhaahdeene,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac.

 

Maxamed Jaamac oo ka jawaabay su’aal la xidhiidhay inuu hunguri ka hayo kursiga guddoomiyaha wakiillada oo lagu wado inuu Cirro dhawaan ka ruqaansan doono, ayaa waxa uu soo dhaweeyey inuu xilkaas qabto, isaga oo xusay inuu yarayn karo tabashada gobollada Bariga dalku qabaan, waxana uu yidhi, “Beesha kuraasida kale ku rarnayd haddii ay kursiga wakiillada dhigaan ama kuwo kale dhigaan maalinta uu bannaanaado talo ayaanu ka gaadhi doonaan oo qof mudan baanu keeni doonaa, aniguna kursigaas diyaar baan u ahay.”

 

Dhinaca kale waxa uu xildhibaanku tilmaamay inay guddoomiye Cirro u wanaagsan tahay inuu banneeyo kursiga wakiillada, maadaama oo uu murrashax madaxweyne yahay, si uu dawladda uu tartanka kula jiro uga madax bannaanaado, “Guddoomiye Cirro maalintii uu murrashaxa xisbiga noqday ayey ahayd inuu kursiga wakiillada ka kaco, waayo kursigani dawladdii  buu ka tirsan yahay, markaa imika guddoomiyuhu dawladdiina wuu katirsan yahay mucaaridkiina wuu katirsan yahay, saamayn weynna taasi way ku leedahay,” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi.

Comments are closed