Hargaysa 05. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Dhakool Oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Waxa uu Maanta ka Hadlay Shaqaaqo Doraad ka dhacday Degmadda Kala Baydh ee Gobolka Sool oo Sababtay Khasaare Nafeed.
Xildhibaan Dhakool ayaa Dhanka Kale Waxa uu Iftiimiyey Xaalada Amaan ee Guud ahaan Gobolka Sool, Iyo Wada hadalo ay dhawaan kula Yeesheen Deegaanka Xidh Xidh Wefti uu Hogaaminayo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.
