|

‘’Xisbiga Kulmiye Waa ka Keliya ee Barnaamijkiisii Siyaasadeed Wada Fuliyey’’ Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin DAAWO

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Hoggaanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey xildhibaanno iyo taageerayaal ka soo jeeda degmooyinka Qorilugud iyo Wadaamo-goo, kuwaas oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ay hore uga mid ahaayeen.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey xildhibaanada cusub ee xisbiga ku soo biiray, isagoo tilmaamay in xisbiga KULMIYE taaariikhda Afrika ku galay barnaamij waxqabad oo qoran oo bulshada la soo hordhigay, kadibna hirgeliyey, “Xisbiga KULMIYE wax aan lagula murmayn baa jira oo waa xisbiga kaliya ee dalkanna soo maray, lagana yaabo inay dalalka Afrika ay ku dhif tahay ee intuu barnaamij siyaasadeed sameeyey bulshada la hortagay, haddana barmaanijkii fuliyey, barnaamijka siyaasadeed ee KULMIYE waxa ka mid ahaa in shaqaalaha mushaharkooda la kordhiyo, in ciidamada derejooyinkoodii la siiyo, in shaqaalaha tiradooda, tayadooda iyo dhaqaalahooda la kordhiyo oo waddooyinka dalka qayb weyn laga qaato. In la furo axsaabta siyaasiga ah waxa hal abuurkeeda lahaa KULMIYE, waana xisbi hoggaankiisa iyo qurbe-jooggiisuba yihiin qaar odorosaya hal-abuur siyaasi ah iyo mid dhaqaaleba oo mustaqbalka dadka waxtara,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin.

Comments are closed