Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Ucid ayaa sheegay in Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland aanay Mudo ka badan Sanad qaadan wax Mushahar ah waxaa kale oo ay ka Jawaabeen Hadal uu Sheegay Wasiirka Warfaafinta oo xusay in Xisbiyada Mucaaridku ay iska diideen Warbaahinta Dawlada.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdi ayaa Sidoo kale Waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay hadal ka soo yeedhay oo uu ku sheegay inuu Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Cali Warancade ka codsaday inuu Wasaaradaasi u baneeyo Wasiirka haatan Mudane Yaasiin X. Maxamud Xiir Faratoon.
