Paris 18. June 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga haya talada dalka Faransiiska ayaa ku guulaystay aqlabidyada Kuraastii Baarlamaanka ee doorashadii dhacday maalintii Axada. Natiijooyinka ayaa muujinaaya inuu helay xisbiga Madaxweyne Macron 425 kursi, iyada oo loo tartamayey 577 kursi.
Guushan uu helay xisbiga Madaxweynaha oo cimrigiisu jiray muddo sannad ah ayaa ka hooseeya intii la rajaynayey, musharaxiinta uu soo xushay Madaxweyne Macron waxa ay u badan yihiin dad aan waayo-arag u ahayn siyaasada oo aan lahayn taariikh siyaasadeed.
