Boorama 27. April 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu Weheliyo Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani Ambassador Maxamed Cali Cabdi ayaa Shacabka Gobolka Awdal ugu Baaqay inay Qaataan Kaadhka Codbixiyeyaasha oo Maalinta Sabtida ka bilaabmi doona Gobolka Awdal.
Waxaa Kale oo Munaasibadii Bilowga Daahfurka Kaadh qaybinta ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.
