|

Xisbiga Waddani oo Kalsoonidii Kala Laabtay Akaademiyadda Nabadda Iyo Daladda SONSAF, Muxuu Yahay Qoonsimaadka Yimid? DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Waxa uu Kalsoonidii kala Laabtay Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo Dalada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf.

 

Xisbig Waddani ayaa labadan urur bulsheed ku dhaliilay inay ku dhex milmeen asxaabta siyaasada isla markaasna ay lumiyeen kaalintoodii dhex-dhexaadnimo, waxaanay komishanka u soo jeediyeen in aanay qayb ka noqon doonin doorasho ay labadan urur ka shaqaynayaan.

Waxay sidan ku sheegay xisbiga Waddani warqad uu ku saxeexnaa xoghayaha guud ee xisbigaas Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxaanu qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Xisbiga Waddani waxa uu aaminsanyahay kuna shaqaynayaa in qarankani uu u baahan yahay doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo gacan toosan ka gaysanaysa hirgalinta nidaamka dimuqraadiyada iyo qabsoomida doorashooyinka dalka ku soo food leh.

xisbiga Waddani waxa uu dhiiri galinayaa hufnaanta iyo hasami u socodka doorashada fooda inagu soo haysa ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. xisbiga Waddani isaga oo dareemaya xasaasiyada doorashooyinku leeyihiin waxa uu garwaaqsaday in aanay lug ku yeelan karin cid ka tirsan tartamayaasha ama ah taageerayaashooda.

Xisbiga Waddani isaga oo ka duulaya xoriyada doorashada iyo xalaalnimadeedaba waxa uu si toos ah u joojiyay kalsoonidii dhex-dhexaadnimo ee ay mudo ku soo wada shaqaynaayeena hakiyay labada urur ee kala ah Akadamiga Nabada Iyo Horumarka (APD) iyo dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF kadib markii aanu ku qanacnay in aanaan ku kalsoonaan karin lug ku yeelashadooda arimaha doorashada.

Komishanka doorashooyinka qaranka waxaanu la socodsiinaynaa in aanaan daraf ka noqonayn shaqo ku saabsan doorashada oo ay ururadaasi wadaan ama ay gacanta ku hayaan. Mar walba waxaanu garab siinaynaa madaxbanaanida nidaamka doorashooyinka ee komishanku gadhwadeenka ka yahay, waxaanuna soo dhawaynaynaa gacan kasta oo aan ku milmin asxaabta tartamaysa.”

Comments are closed