Hargaysa 16. June 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mawqif cad ka soo saaray aragtidiisa ku aadan khilaafaadka diblomaasiyaddeed ee muddooyinkii dambe ka dhex-qarxay wadamada Carabta isaga oo ku baaqey in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo hab nabad oon horseedin colaad iyo sii kala foggaanshiyo.
Xisbiga WADDANI oo Mawqif Cad Ka Istaagay Khilaafka Diblomaasiyaddeed ee Wadamada Carabta+ Baaq iyo Digniino Adag u Soo Jeediyey Xukuumadda DAAWO
