|

Xoghayihii Hore ee Gobolka Maroodi Jeex oo Ka Shiraaqday Xisbiga Kulmiye lana Bahoobaya Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Xoghayihii hore ee gobolka Marroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi waxa uu ku dhawaaqay innuu iska Casilay Xisbigii KULMIYE iyo Xubinnimaddiisiiba, isla markaanna waxa uu ku biiray Xisbiga WADDANI.

Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee siyaasaddeed waxa uu ka soo bilaabay Ururkii ASAD, dabaddeed markii danbe waxa uu u soo wareegay Xisbiga UCID.

Muddo kooban dabaddeed wakhti hadda laga joogo 13-sannadood ka hor ayuu ku biiray Xisbiga Kulmiye oo Xiligaas Mucaarid ahaa.

Xamse Ciise Cabdi waxa uu hormood u ahaa guushii balaadhnayd ee Xisbiga KULMIYE ka soo hooyay Doorashaddii 2010-kii gaar ahaan Gobolka Maroodijeex.

Comments are closed