|

Xukuumada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inaanay Doorasho Wakhtigeedi Dib Uga Dhaceyn

Hargaysa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalin Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa  daboolka ka qaaday inaanay doorashadu wakhtigii loo cayimay aanay dib uga dhacayn, islamarkaana ay dhici doonto doorasho xor iyo xalaala.

Wasiirku waxaa kale oo uu xusay in lacagaha abaaraha ee Soomaaliya loogu talagay iyaga oo qaran ka madax banaan Soomaaliya ay helayaan.

 

Wasiir Caddaani waxaa kale oo uu tilmaamay in ay kala hadleen sidii meel loo saari lahaa wada hadalkii u dhaxeeyay labada dale e Soomaaliya iyo Somaliland, una noqon lahaayeen laba wadan oo jaraa

 

Wasiirka oo wareysi siiyey Idaacada BBC waxaa uu sheegay in Safiirka Hargeysa yimid ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka isa markaana ay u cadeyeen in labadii jeer ee hore  doorashadu dib u dhacdey ay daruufo keenen  balse iminka ay doorashadu dhici doonto wakhtigii loo qoondeeyey ee 13 November

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Safiirka Mareykanka Ee Hargeysa yimid waxaanu u cadeynay in labadii jeer ee ay doorashoyinku dib u dhaceen wixii keenay in ay keenen daruufo gaar ahi oo ay diyaar u ahayeen dawlada Somaliland iyo xisbiyada qaran kuba diyaar ayay u ahaayeen, iminkana November 13 keeda diyaar ayaa loo yahay in  qaranka Somaliland doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo”

Wasiir Caddaani waxaa uu hoosta ka xariiqay in doorashadu aanay wakhtigi loo qoondeeyay inay qabsoonto aanay di uga dhaceyn  waxaanu yidhi “Aduunka cid walba waxaa ay qorsheyso wixii ay og tahay ee ay ku talo gashay umada Jamhuuriyadda Somaliland-na waa u diyaar dawladuna waa u diyaar, danta umada Jamhuuriyadda Somaliland ayaana ku jirta in Novenber 13-keeda la qabto, waxaananu qabnaa in wax ka soo noqonayaa aanu jirin”

 

“Lacago badan ayaanu  ururiney caruurta ilaa dadka waa weyn ilaa baayac mushtarka imikana waxaanu kuguda jiraa barnaamijka ka soo kabashada abaaraha waxaananu ururineynaa lacag gaadheysa tobankun oo dollar, waxaananu kala hadaley 64-milyan oo dollar oo Mareykanku ugu deeqay Soomaaliya iyo arrimaheeda, markaa 64-ka milyan wixii aanu xaq u leenahay nalaga siiyo, xisaabtan ayaanu xagaa ku galey waxaa kale oo aanu ka wada hadaley lacag gaadheysa laba boqol oo milyan oo dollar oo imika ay yidhaaheen abaaraha Soomaaliya iyo ka soo kabashadooda ayaanu ugu tala galey, iyadana inaanu qaybtayada ka qaadano, waananu qaybsaneynaa oo boqolkiiba konton ayaanu qaadaneynaa abaaraha jira awgeed, ee Somaliland ka dhacay hadii laga fursan waayana inaanay ka yaraan boqolkiiba afartan”Ayuu yidhi wasiirka warfaafinta iyo wacyigalintu

 

Wasiir Cismaan Cabdillaahi isaga oo hadalkiisa sii-wata waxaa uu yidhi “Anagu dal madax banaan ayaanu aheyn Soomaaliyana looguma tala galin oo adiguba waad og tahay, aduun weynuhuna waa uu og yahay, qaybtayadana anaga oo madax banaan oo ka duwan ayaanu ka dooneynaa lacagtaas, waa lacag ay iska kaashadeen dadka qaranka Somaliland, haday dawlada tahay, haday culimo awdiinka tahay, haday ganacsatada tahay, iyo haday bulshada rayidka tahay, intaasi oo dhan ayaa maamusha ogna meel walba shilinku marayo og umada Jamhuuriyada Somaliland-na lo soo bandhigey wax shaki ku jirana maaha umaduna waa ay is aaminsan tahay waxaananu  nidhaahnaa waa lacag agoomeed oo kale lacagta agoomaha cida taabataana waa ay ku gubaneysaa waana naftaada ka qaad oo naftaada u qaad”

 

Ugu danbeyn wasiirku waxaa uu sheegay inay kala hadleen waftiga sidii meel loogu tiirin lahaa wada hadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya si ay u noqdaan laba wadan oo jaara oo is garab yaala kana wada shaqeeya nabad-galiyada mandaqada geeska iyo labada dalba isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Gooni isu taagayagana dood ayaanu ka yeelaney waana diblamaasi arrintaasina waa aanu u cadeynay aduun weynahana waxaanu u sheegnay inay dantu ku jirto, in wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeyay la siiwado, arrintaasina meel lagu tiiriyo Somaliland iyo Soomaaliyana ay noqdaan laba dal oo jaara oo danaha umadooda ka wada shaqeeya, iyo horumarka labadoda dal sidoo kalena ka wada shaqeeya nabad-galiyada mandaqada geeska afrika iyo gaar ahaan labada dalba”.

Comments are closed