|

Xukuumada Somaliland Oo Iclaamisey Saamiga Ay Dawladda Itoobiya Ku Yeelan Doonto Dekedda Berbera

Hargaysa 11. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shuceyb oo saaka u warramey laanta afka Soomaaliga ah ee Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada Somaliland ay Saami ka siisay dawlada Itoobiya Dekada Magaalada Berbera si ay u isticmaalaan.

Wasiirka ayaa sheegaya in Saamiga ay dawladda Itoobiya ay ka heleyso dekedda Berbear uu 19%( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban).

 

Mas’uuliyiin ka socdey dalka Dawladda Itoobiya ayaa maanta gaadhey magaalada Berbera oo maanta si rasmiya loogu wareejinayey shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu sacaba tumaya faa,iidada ay ka helayso boqolkiiba dakadda Berbera oo maanta si rasmiya lagu wareejinayo Imaaraatka Carabta gaar ahaan Shirkadd D.P.World.

Itoobiya ayaa qayb ka ahayd heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo imaaraatka ee ku saabsanaa maalgashiga dekedda Berbera.

 

Waxaana laysla qaatay in itoobiya ay boqolkiiba sagaal iyo toban ay yeelato (19) dhaqaalaha ay qabato D.p.world.

Comments are closed