|

Xukuumadda KULMIYE Oo Ku Hawlan Qorshe Lagu Hakinayo Dabbaal-degyada Xuska 18-ka May Ee Dalka Gudhiisa Lagu Qaban Jirey Iyo Sababta Loo Cuskadey

Hargaysa 24. April 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hawllan qorsheyaal lagu hakinayo dabbaaldegyadii waaweynaa ee sanad walba maalinta xorriyadda ee 18-ka laga samayn jirey gobollada iyo degmooyinka waaweyn ee dalka, maadaama ay dalka ka jirto abaar laxaad leh oo nolosha dadka iyo duunyadaba si weyn saamayn ugu yeelatay.

Inkasta oo aanay jirin dhawaaqyo rasmi ah oo xukuumadda kasoo baxay, haddana sida uu wargeyska Hubaal xogo muhiim ah ku helay waxa lagu gudo jiraa sidii hakad loo gelin lahaa dabbaaldegyada waaweyn ee maalintaas dalka laga qabto ee ay madaxda qaranku ka qaybgasho, isla markaana dadweynaha, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamadu qaranku sida weyn uga qayb qaadan jireen.

 

Xukuumadda ayaa iyada oo maanta ku haysa sharashaadka laxaadka leh ee ku baxa munaasibadahaas iyo xaaladda abaareed ee haatan bulshadu ku jirto waxa ay ku hawllan tahay sidii sanadkan munaasibadahaas loo hakin lahaa, gaar ahaan kuwooda dalka gudihiisa lagu qabto oo xukuumaddu lacago badan ku bixiso, waxana la wadaa sidii kharashaadka halkaas ku bixi jirey loogu leexin lahaa dhinaca dadka abaaruhu dhibaateeteeyn.

 

Wada-tasho waaweyn oo arrintan ku saabsan ayaa ka socda aqalka madaxtooyada, waxana taas barbar socota baroomooyinkii ay ciidamada kala duwan ee qaranku samaynayeen oo hakad la geliyey, iyada oo taasina calaamad u ah inay xukuumaddu qorshaynayso sidii arrintan loo hakin lahaa.

 

Hakinta dabbaaldegyada waaweyn ee dalka gudihiisa loogu sameeyo munaasibadda 18-ka May, ayaa bulshada dhexdeeda si weyn looga hadal hayaa, waxana ay shacabku dhammaan ka siman yihiin hakinteeda, iyaga oo garwaaqsan inaan lagu jirin sanad la dabbaaldego, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in garab istaago dadka tabaalaysan ee abaarta iyo cudurrada kala duwan la tiicaya.

Comments are closed