|

Xukuumadda Oo Si Weyd Ah Uga Hadashay Falkii Lagu Waxyeeleeyey Inanta Jeclaatay Wiilka Gabooye Iyo Wasiirkii Caddaaladda U Qaabilsanaa Oo Kaliya Ku Ducaystay In Ilaahay Soo Saaro Hogaamiye Dadkan Dulmiga Ka Xoreeya

Hargaysa 05. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Axmed Faarax Cadarre, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdadii foosha xumayd ee dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee jidh dilka looggu geystay haweenayda guursatay wiilka ka soo jeeday beelaha Gabooye taasi oo inta qoyskeedu iska hor taageen waliba jidh dil loogu gaystay, waxaana uu arrintaasi ku gaabsaday in uu dalka ka maqnaa oo aanu ogayn isaga oo dhinaca kale wasiirku sidii qof shacab ah uun uga damqaday ee aan sheegin tallaabada ay ka xukuumad ahaan falalkaasi oo kale ka qaadan lahaayeen halka uu sidii qof aan xil haynin ugu ducaystay in Ilaahay Somaliland u soo saaro qof caddaalad dadka u sameeya.

Wasiir Cadare ayaa ku fasiray falkaasi in uu ahaa arrin dhaqan oo u baahan in si wada-jir ah wax looga qabto isaga oo sida oo kalena wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawacyada iyo dhibta haweenaydaas ay soo gaadhsiiyeen qoyskii dhalay balse aanu wasiirku marnaba sheegin qaabka ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ee uu waliba caddaaladda u qaabilsan yahay ula tacaalayso ama uga meel yaalla dhacdooyinkaasi oo kale halka uu ku margaday in uu si cad u sheego bal haba yaraadee qorshe cad oo xukuumadda uga meel yaalla arrinkaasi.

Wasiirka Caddaaladda oo ku sugan dalka Sweden ayaa warbaahinta u sheegay in uu ka xun yahay falkaasi Ilaahayna uga baryayo Somaliland in uu ka soo saaro qofkii dadka quudhsanayo ka xorayn lagaa dhaqankaasi, wasiir Axmed Faarax Cadarre oo arrintaasi waxa ka xukuumad ahaan uga meel yaalla waxa uu yidhi:

“Kolay Arrinkaasi waa dhawr nooc. Kol waxaa laga eegayaa xaggii sharciga, kolna waxaa laga eegayaa xaggii dhaqanka. Arrintani horta ha ii dambaysee waxa aan ka xumahay anoo la hadlaya dadka reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka soomalida ah waxaanan leeyahay waar waxa aynu nahay dad islaam ah. Waar sharci baynu leenahay Ilaahay SWT looma kala sokeeyo illaa alla ka cabsiga mooyaane. Qaabkan iyo hab-dhaqankani meelna diinta kagama taallo waa waxyaabihii rasuulku umadda ka xoreeyey ee loo soo saaray. Halkaa aad ii sheegayso iinbaa ka taalla oo waa wax soo taxan oo dhaqanka ku soo ururaysa caalamkana meelo badan ayay ka jirtaa’’

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa Yidhi ‘’Anigu waxaan arrinkaasi la leeyahay horta guurkii waa lagu takooray waxa laga yaabaa in labada dhinacba dulman yihiin. waxa aynu u baahanahay in aynu dhaqankaasi soo af-jarno, Hoostana laga soo unko oo dhaqan ahaan labada dhinac la isku soo dhaweeyo. Ka xukuumad ahaan iyo ka shacbi ahaan waxaaan leeyahay waar dadkani waa dadkeenii oo dalkan leh waxyaabahan aynu dareemayno ee ka maqan ee ah xuquuqdii aasaasiga ahaa ee sinnaanshaha dhinac shaqo marka ay noqoto, dhinac marka ay noqoto dhaqan, dhinac guur marka ay noqoto gaab baa halkaasi ka jira. Halkaasi waxa aan jecelahay in aan ambiil ka bixiyo oo aan idhaa waar halkaasi hala soo dhaweeyo xukuumadduna qorshaheeda haku darsato ooh aka hawl gasho xaggii shaqadii, xaggii dhaqaalihii. Mujtamacan marka garaadkoodu soo bislaado dadkan kalena la soo wacyi geliyo in ay dadkani la mid yihiin oo ay ogaadaan in ay sharciga u siman yihiin oo ay leeyihiin xuquuq isku mid ah oo aanay cidina cid ka sarrayn. Haddii la ogaan lahaa oo la baran in sharciga loo siman yahay wax badan baa hir gali lahaa. Halkaasi waxa ay u baahan tahay in wax badan laga wada shaqeeyo oo waxbarashada lagu soo daro oo umadda la isku soo dhaweeyo dhaqanka gaabka ah ee jira”.

Wasiirka Caddaaladda oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Inanta iyo aabbaheed waxbaa hore uga dhaxeeyey. Inanta iyo ninka ay is doonayaan waxbaa ka dhaxeeyey. Dhaqankana waxbaa ka dhaxeeya. Mid walbaana in gaarkiisa loo wajaho ayuu u baahan yahay. Marka inanta iyo aabbaheed laga hadlayo halkaa dulmi baa ka jira waana dambi waa in tallaabo laga qaadaa qofkii dambiilaha ahaa qofku xaq buu ku leeyahay. Qofku marka uu qaan gaadho ee uu doorto xaq buu u leeyahay cidda uu dooranayo. Arrinkan inanta iyo inanka isa siin tooda dee dariiq la maro oo dhaqan baa jira gaabkan labada mujtamac u dhaxeeya ee yaallana waa ka la doonayo in la jabiyo qaran ahaana in laga soo shaqeeyo ay mudan tahay. Arrintaasi hawlo badan ayay u baahan tahay waana in laga shaqeeyaa. Ilaahay hala baqo oo sida arrinkaasi yahayna waa in lagu wajahaa. Waxa ay u baahan tahay in laga wada shaqeeyo arrintaasi oo umaddani way ku dulman yihiin bulshada inteeda kale. Way nagu dhex dulman yihiin waana innagu dambi. Bil ramadaan baynu ku jirnaa Ilaahay waxa aan u rajaynayaa qof dadkaasi ka xoreeya dulmiga. Waan ka maqnaa dalka markii arrinkaasi dhacay”.

Wariyaha su’aalaha waydiiyey Wasiirka oo waydiiyey waxa ay tallaabo uga qaadi waayeen ayaa ku gaabsaday in uu dalka ka maqnaa markii falkaasi dhacayay.

Rooda Mukhtaar Yuusuf ayaa laba toddobaad ka hor jidh dil loogu gaystay magaalada Hargeysa kadib markii ay jeclaatay oo si qarsoodi ah u guursatay nin gabooye ah taasi oo markii ay maqleen qoyskeedu jidh dil u gaysteen.

Comments are closed