Hargaysa 02. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xuska Sanadguuradii 23-aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka JSL.
Munaasabadan oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidamada Qaranka somaliland ee Magaalada hargaysa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, xildhibaano ka mid ah labada aqal baarlamaan, taliyayaasha qaybaha Ciidamada iyo marti sharaf kale.
