Maxa hortaagan maalgashiga warshadaha ee dalkeena (qaybtii 2aad)
Waxan marka hore halkan uga mahadinaya dhamaan dadkii ila soo xidhiidhay igana codsaday inan qoraalka sii wado, taasaana imika igu dhiiri gelisay inan qoraalkan qaybtiisii labaad aan soo qoro. Waxan kale oo aan halkan uga mahadcelinaya warbaahintii qaadatay qoraalkayga kaasoo uu ugu horeyo wargeska Haatif, iyo websityada kale ee kala ah Saraarnews iyo Oodweynes news….
