Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Hoos-hoos u Ogolaatay in la Daldasho Duur-joogta Waddanka
Hargeysa:14-Sep-2013(SDN)-Sida ay sheegayaan warar hoose oo ku dhaw wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reermiyiga Somaliland, waxa jira heshiisyo hoose oo ay wasiirka wasaaradaasi shukri xaaji ismaaciil Baandare ku fasaxday Ganacsato gaar ah inay dalka ka gurtaan ugaadh hor leh. Inkastoo ay wasiirku toddobaadkii ina dhaafay dhexdiisii uun ku dhawaaqday inay joojisay Guud ahaanba ugaadhsigii ajaanibka iyo…
