“Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu ka Hiiliyay Kulmiye iyo Shacabkii Soo doortay” Mujaahid Cali Guray
Hargaysa 03.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Mujaahid (Cali Guray), ayaa sheegay in Xukuumadda taladda dalka haysa, aanay ugu talagelin in Xisbiga UCID, aanu ka mid noqon Ururada ama Xisbiyada u tartamayey Doorashadii Golaha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay, isla markaana aanu sidoo kale…
