Rajadii Laga Qabay In Xal Laga Gaadho Wada-xaajoodka Nuclear-ka Iran Oo Xumaatay iyo Wakhtigii Oo Gabaabsi ah

    Geneva:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Wada-xaajoodkii ku saabsanaa Hubka Nuclear-ka Dalka Iran  oo shalay ka furmay Dalka Zwitzerland, ayaa muujiyey rajo xumo keeni karta inaan natiijo fiicani soo bixin. Wada-xaajoodkan oo ay ka qaybgeliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka lixda ah ee awooda leh iyo Ergada dalka IRAN, ayaan samaynin wax horumar ah, waxana lagu sii dhammaanayaa wakhtigii kama dambaysta…

    Read More

      Madaxtooyada Somalia Oo Beenisay Inay Saldhigyo Ciidan Siisay Huwanta Duullaanka ku Haysa Dalka Yemen

      Muqdisho:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somalia, ayaa markii ugu horraysya ka Hadashay Wararka sheegay inay jiraan Saldhigyo militeri oo Badda iyo Berriga ah, kuwaas oo loogu deegay isbahaysiga weerarka ku Haya Xuutiyiinta Yemen. Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la Hadlay Idaacadda Goob-joog, ayaa sheegay inaanay jirin go’aan ay Dawladdu ku gaadhay inay Bixiyaan Saldhigyadaas, marka laga reebo taageerada…

      Read More

        Kenya oo Gacanta ku dhigtay Hablo u Talaabayay ku Biirista Xarakada Alshabaab

        Mandhera:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha Ammaanka waddanka Kenya ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Saddex Hablood oo Arday ahaa, kuwaas lagu eedeeyey inay qaraxyo ka Abaabulayeen Xeebta Mombasa. Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Marwa, ayaa sheegay in saddexda Hablood lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dumarka ay doonayeen iney ku biiraan Alshabaab. “Dadkaasi waxay saarnaayeen…

        Read More

          Mayeedhaan Lagu Xardhay Halku dhigyo lagaga soo Horjeedo Musuq Maasuqa Kenya oo Layaab ku Noqday Bulshada

          Nairobi 31.March 2015 (SDN/QJ):- Fajac iyo yaab ayay ku noqotay in badan oo dadweynaha ku dhaqan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo lagu dhex-arkay Mayeedhaanka Dameeraha oo korkooda lagu soo xardhay weedho iyo hal-ku-dhegyo muujinaya heerka Musuqmaasuq baahsan oo lagu tilmaamayo inuu waddankaas ka jiro, sidoo kalena ka jiro tacaddi ka dhan ah Haweenku. Arrintan…

          Read More

            “Un-ta Waan u shaqayn Jiray oo Mas’uul aad u weyn ayaan ahaa Laakiin Xil aan iska Casilayaa Ma Jiro” Wasiirka Arrimaha Dibada

            Hargeysa 31.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn xil uu ka qabto Qaramada midoobay sidoo kalena aanu iska casilayn jagada uu Xukumadda Siilaanyo ka hayo. Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Xogyaha Qaramada midoobay xil u magacaabayo sidaas…

            Read More

              Muxuu daaranaa Kulan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay?

              Hargeysa  31,March 2015 (SDN/QJ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee waddanka Masar kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasaddda iyo amniga Somalia, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka, dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, xoojinta ciidamada xoogga dalka iyo qodobbo kale. Xasan Sheekh…

              Read More

                Ganacsatada Gaadiidka soo Dejisa oo ku Hanjabay inay ka Wareegi doonaan Dekeda Magaalada Berbera iyo Sababaha Keenay

                Dubai 31.March 2015 (SDN/QJ)-Ganacsatada Somaliland ee keena Gaadiidka, ayaa shir ay ku yeesheen Dubai ku sheegay inay u wareegi doonaan Dekeddaha Somalia haddii laga dayn waayo lacag 80 Dollar ah iyo qalab la sheegay in lagu hubinayo tayadada gaadiidka soo degaya oo Dekedda Berbera la dhigay. Waxay sheegeen inaanay arrintaasi qaadi karrin, iyagoo Madaxweyne Siilaanyo…

                Read More

                  Madaxweyne Obama oo Booqasho Safar Taariikhi ah Ku Tegi doona Dalka uu Asal ahaan ka soo Jeedo ee Kenya oo Mudadii uu Xilka hayay aanu cago dhigiin

                  Washington 31.March 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyanaha Maraykanka Barack Obama ayaa qorsheynaya inuu booqdo waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Kenya, iyadoo booqashadan noqon doonto tii ugu horreysay ee uu dalkaasi ku tago isagoo madaxweyne ah. Eric Schultz oo ah kuxigeenka madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad, ayaa sheegay  in Madaxweyne Obama uu dhammaadka bisha July…

                  Read More

                    Yemen oo laga daad gureeyay Dublamaasiyiin Shisheeye ah Xili ay Duqaymaha Sucuudigu sii Libin laabmeen

                    Sana 31.March 2015 (SDN/QJ)- Ciidanka badda dowladda Suucidaga ayaa toddobaneeyo dibloomaasiyiin ah ka soo daad-gureeyay dalka Yemen sida lagu sheegay war laga baahiyey telefishinka xukuumadda Sucuudiga. Dibloomaasiyiinta ayaa laga soo daad-gureeyay magaalada Xeebta ee Cadan iyadoo la keenay magaalada Jidaha ee Sucuudiga. Dad-gureyntan ayaa imaanaysa xilli uu dagaal culus ka socdo magaalada Cadan kaasoo u…

                    Read More

                      Baarlamankii Uk oo la Kala Diray+ Ololihii Doorashada oo Bilaabmay Iyo Saadaasha Xisbiyada Waaweyn oo Liidata

                      London 31.March 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Wadanka Ingiriiska ka bilaabmay Ololaha doorashada qabsoomi doonta Bisha may ee Sannadkan. Waxaa la filayaa in ay noqoto doorashadii ugu adkayd ee dhinacyadu si aad ah isugu soo dhowaadaan tartanka muddo tobanaan sano ah. Ra’iisul wasaaraha David Cameron, ayaa aaday xarunta boqortooyada ee Buckingham Palace si uu ugu wargaliyo boqoradda…

                      Read More

                        The Former TFG President Sharif Sheikh Ahmed Became the Founder of a New Humanitarian Charity

                            The Former President of the Transitional Federal Government Sheikh Sharif Ahmed founded a new humanitarian Charity in the name of Samadoon. According to Sharif, the Charity Headquarter will be in London. He stated that his new Charity Organisation is determined to deliver humanitarian assistance to the underprivileged people of Mogadishu and other regions…

                        Read More

                          Wefdi uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Bristol(SAWIRO)

                          Bristol Mar 30,2015(SDN/QJ)-Waxaa xalay ka dhacday magaalada Bristol munaasibad balaadhan oo ay jaaliyada reer somaliland ee magalada bristol ay kusoo dhawayeen wasiirka madaxtooyada somaliland mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayey. Munaasibadan oo ahayd mid aan loo kala hadhin oo ay kasoo shaqeeyen dhalinyarada somaliland society bristol ayaa waxay u dhacday…

                          Read More

                            Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Cirro oo ka Hadlay Shakhsiyada Alle ha u naxariistee Marxuun Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal)

                            Hargaysa 30.March 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayMarxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo…

                            Read More

                              Wardegdaga:Alle Ha U Naxariistee Waxa Goordhawd Cisbitaalka All Xayaad Ee Boorama Ku Geeriyooday Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane Oo Ka Mid Ahaa Xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland

                              Hargeisa 30/3/0215(SDN/QJ)alle ha u naxariistee waxa gordhawayd  ku geeriyooday cisbitaalka al xayaad  ee boorama xildhiban marxuum maxamed barkhad miigane oo ka mid ahaa xildhibanada golha wkiilada ee laga soo doortay gobalka awdal xildhibanka ayaa baryhii udanbeye xanuun u jiifay  cisbitaalkasi  iyadoo malinta abrito ah  as qarann logu samayn doono gobalkasi awdal waxana marxuuma tacsi u…

                              Read More

                                Hakad Ku Yimi Duqayntii Sucuudigu Ka Waday Dalka Yemen Sababta Oo La Sharraxay

                                Sanca:Mar,30,2015(SDN/QJ0-Duqaymihii Diyaaradaha Dagaalka Sucuudigu ka wadeen Dalka Yemen ayaa muddo kooban la Hakiyey, iyadoo sababahana sharraxaad gaaban laga bixiyey. Afhayeen u hadlay Milateriga Sacuudiga General Ahmed Asiri oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in muddo laba  saacadood ay joojiyeen weerarada cirka, sababo ku aadan dalka Pakistan oo muwaadiniintiisa kala baxaya Yemen. Maraakiib ay leeyihiin Pakistan…

                                Read More

                                  Nigeria Oo Maanta La Filayo In Lagu dhawaaqo Natiijada Doorashadii Madaxweynenimo ee Dhacday

                                  Abudja:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Maanta ayaa la filayaa in la shaaciyo Natiijooyinka Hordhaca ah ee Doorashadii madaxtinimo ee Dalka Nigeria ka dhacday Laba maalin ka hor. Xarunta guud ee la isugu geynayo codadka oo ku taalla magaalada Abuja ayaa haatan waxa soo gaadhaya codadkii laga soo gudbiyay gobollada dalka Nigeria oo dhan, iyadoo isu geynta tirooyinku si habsami ah …

                                  Read More

                                    Qarax Saaka Lala Eegtay Ciidamo Baadhitaanno Ka Waday Isgoys Ku Yaalla Muqdisho

                                    Muqdisho:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saaka aroortii hore Bambo gacmeed lagu weeraray ciidamo nabad sugid ah oo ku sugnaa Isgoyska Dabka ee Gudaha magaaladaas. Warku waxa uu intaas ku darayaa in qaraxaasi uu dhaawac gaadhsiiyey askar gaadiidka Baadhitaanno ku haysay oo aan tiradadooda la xaqiijin, waxana loo qaaday goobaha cisbitaallada. Qaar…

                                    Read More

                                      “Inta uu Madaxweynuhu Cabdiweli la Hadlayo, waxa ka haboon isagoo Cali Khaliif la hadlo, waayo isagay wax ka dhexeeyaan, waxana aanu leenaya”Muj. Xasan Guure

                                      Hargeysa:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Naqdiyey Hannaankii ay u dhacday Khudbad-sanadeedkii distooriga ahayd ee uu madaxweyne Siilaanyo ka hor jeediyey Labada Gole Qaran. Mujaahidka oo la Hadlay HCtv, ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu ka Hadlin waxyaabihii loo baahnaa ee shacabku dhawrayeen, waxana uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay caddaal…

                                      Read More

                                        “Meel walba waa la cabanayaa waxa la hayo iyo rabitaanka umadda somaliland ayaa kala badan, cabashdii reer Awdal waa la tixgeliyey” Saylici

                                        Washington:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa markii ugu horraysya ka Hadlay Cabashooyinka Gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Xukuumaddu diyaar u tahay wax kaqabashada Arrimaha Tabashada Darafyada la xidhiidha. Mudane Saylici oo u warramay Idaacadda VOA-da, ayaa ugu horrayn ka Hadlay Arrinta Gobollada Bariga iyo  jiritaanka Magaca Khaatumo, waxana uu…

                                        Read More