“Anigoo Ku Hadlaya Magaca Beesha Direed Weerarkii la igu dhaawacay ee lagu dilay Dirir waxaa abaabulay Villa Somalia.” Xildhibaan Boos
Muqdisho:June,18,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Somalia, dhawaanna ku dhaawacmay weerarkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Dirir, ayaa qaadista weerarkaas ku eedeeyey Xarunta Villa Somalia ee Dalka looga taliyo. Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya midna aanu wax ka qaban dilkii badheedhka ahaa…
