Bukaan bogso ku bogsan waa, Qabyaaladina…! W/Q.Cabdiqani Cabdilaahi Aadan
Ilaahay dadka markii uu abuurayay wuxuu u sameeyay baahiyo iyo dareenno aasaasi ah oo ay wadaagaan. Cadaaladda iyo sinnaanshuhu waa laba baahiyood oo dhammaan ummaddu u wada baahan tahay, ma jiro ruux jecel caddaalad darro sidoo kale baanu jirin ruux jecel in aannu dadka la sinnaan. Waa labada Ilaahay in badan diintiisa suubban seeska uga…
