Tubta madow ee soomaalilaand ku socoto Qallinkii Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd
Soomaalilaand waxaa la qaatay hannaanka dawladeed ee loo yaqaan dimuqraaddi. Waa hannaan ay tijaabada taariikhdu xaqiijisay in uu waxtar u yahay sinnaanta iyo caddaaladda siyaasadeed ee dal, is la markaa si adag u xakameeya cidda talada haysa. Iyada oo hannaankani awoodda oo dhan siinayo dadweynaha, maanta Soomaalilaand awooddii oo dhan waa la ga xayuubiyay dadweynaha,…
