‘’Xuseen Wasiirkii Hore ee Cadaaladda waa la odhan karaa waa nin dabeecad adag laakiin waa beenaale ninka yidhaa isaga ayaa beenaale ah. Been waxa uga dhaw Muuse Biixi’’Cali Gurey
Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Gurey’’ ayaa ka hadlay Shakhsiyada Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo dhawaan Iska Casiley Xilkaas. Cali Gurey ayaa bartiisa Facebook ku faafiyey in Xuseen Axmed Caydiid uu ka Mid ahaa Foolaadkii Xisbiga Kulmiye iyo Ururkii SNM….
