Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku Fashilmay Bilaabida Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Shin dhaaftay DAAWO

    Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ilaa ku Guul daraystay qabashada Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Xiligii ay u asteeyeen ka dib dhacday,Waxaa kale oo aan Muuqan abaabul iyo u diyaar garow ay ku hawlan yihiin Komiishanka Doorashooyinka Qaranku. Komiishanka ayaa u qabtay inay Bilaabayaan hawsha Diiwaangelinta Bishii July ee Sannadkan Iyadoo ay ka horayso…

    Read More

      “Xisbiga Kulmiye Wax tartan ahi kama dhici doono,Aniguna Waxaan Madaxweyne ku Xigeen u noqonayaa Kolba Sadexda Murashax koodii soo Baxa” Xildhibaan Indho Indho DAAWO

      Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)-   Xildhibaan C.qaadir Indho Indho oo ka Mid ah Golaha Guurtida Xiligana ku magacaaban Afhayeenka Golaha Guurtida ayaa Shaaciyey inuu u Taagan yahay Qabashada Mansabka Madaxweyne Ku Xigeenka Kadib marka uu Furmo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu Xubin ka Yahay. Waxa uu Xildhibaanku xusay inaan Wax tartan ahi ka…

      Read More

        Nuxurka Shirkii Golaha Wasiiradda Dawlada Federaalku ay Yeesheen Maanta oo Khamiis ah

        Muqdisho, October 1, 2015 (SDN/QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Jaamac Il-ka-jiir, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Ansixinta dhismaha Hay’adda wax ka qabadka Miinda…

        Read More

          Hooyadii Hadhi Weyday ““Wuxuu Geeriyooday Wiilkaygu Markuu Habeen Keliya U Hoyday Sweden Oo Uu Tahriib Ku Galay”

          Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Hooyo dhashay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Jaamac Cali Jaamac oo maydkiisu dhawr iyo sodon maalmood ku jiro qaboojiye dalka Sweden ayaa ka hadashay geerida wiilkeeda oo tahriib ku galay dalkaa, balse geeriyooday kadib markuu u hoyday habeen keliya, isla markaana waxay Hooyadani ugu baaqday cid kasta oo ka caawin…

          Read More

            Dallada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo Qabsatay Shirweynaheedii Afaraad Isla Markaana dooratay Hogaankoodii

            Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Shirweynihii afraad ee dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland – SONSAF lagu qabtay caasimadda Hargeysa, ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo maamuli doona muddada saddexda sanno ee soo socda. Shirweynahan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay, waxa furitaankiisii ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, xubno ka…

            Read More

              Fadeexadii Hab Maamuus ee Uu Ku Tallaabsaday Wasiir Waran-cadde Iyo Sawirkii Warbaahinta Ka Soo Baxay

              Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Shalay si baratakoolka ka baxsan oo nidaam darro ah kamaradaha sawirku qabteen, isagoo fadhiya goob nusqaan ku ah milgihiisa shakhsinimo iyo haybadda xilka qaran ee dusha u saaran labadaba. Wasiir Waran-cadde oo maanta kala qeyb galay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan…

              Read More

                Calanka Falastiin Oo Laga Taagay Xarunta Qaramada Midoobey

                New-york,1Oct,2015(QJ/SDN)-Calanka Falastiiniyiinta ayaa markii ugu horreysay laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Arrintaasi waxaa soo dhaweeyay dadka Falastiyiniinta ah iyo hoggaamiyeyaashooda oo ku tilmaamay in ay tahay tallaabo horey loo qaaday. Dad dabaaldegyo ayaa isugu soo baxay qaybo kala geddisan oo ka tirsan dhulka Falastiyiniinta kaddib markii ay maqleen in calankooda laga…

                Read More

                  Dowladda Maraykanka oo Hawlo-fuliye u Magacaabay Somalia iyo Heshiis lagu Saxiixday Nairobi

                  Washington,1Oct,2015(QJ/SDN)-Xukuumadda Washington ayaa hawlo-fuliye u soo Magacowday Soomaaliya, iyadoo xilkan loo magacaabay, David H Kaeuper oo la sheegay inuu isha ku hayn doono isbedellada ka socda Somalia. Mareykanka iyo Somalia ayaa sidoo kale heshiis dhanka Xoojinta Ciidamada Booliiska ah ay ku kala saxixdeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasoo Mareykanku uu gacan uga geysanayo…

                  Read More

                    “ Waxaan U Mahadcelinayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Dib-U-Habayn & Isbedel Wacan Ku Wada Garsoorka Dalka & In Shacab La Mariyo Habka Dacweynta MADANIGA Ah” Gudoomiye Cirro

                    Hargeysa,1Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, MD. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-cirro),ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay Maxkamadda Gobolka Hargaysa ku amartay in la sii daayo Xubnihii Xidigaha Geeska ee lagu xidhay Magaaladda Hargaysa,kuwaas oo shalay Xoryadooda loo soo celiyay. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale u mahad-celiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland,kaas oo ku…

                    Read More

                      Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Kormeer Kadis Ah Kaga Dul-degay Xabsiga Laascaanood Iyo Askartii Jeelkaas Oo la Wada Bedalay

                      Laascaanood 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidamadda Asluubta ee Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa shalay socdaal kadis ah ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Iyadoo 17 ka mid ahaa maxaabiista ku jirtay xabsiga magaaladda Laascaanood ay dhawaan baxsadeen. Taliye Xudhuun oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa tilmaamay in xabsiga magaaladda Laascaanood…

                      Read More

                        “Guriga Salaadinta Subeer Awal Ee Ciidanku Weeraray, Waa Gurigii Axmed Silaanyo Looga Codeeyay” Siyaasi Axmed Like

                        Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)-  Siyaasi Axmed Xasan Cali Xirsi (Axmed like) oo ka mid ah siyaasiyinta xisbiga wadani ayaa baaq uu diray madaxweyne Axmed Silaanyo iyo xukuumadiisa ku sheegay in gurriga laga xidhay  Suldaan Sabayse uu yahay guriga Salaadinta Subeer Awal ee laga doortay xilligii uu doonayay kursiga uu hadda ku fadhiyo, isla markaana wuxuu…

                        Read More

                          NinKa Dagaalka Iyo Rabshaddu Ku Badan Yihiin, Waxa Uu Cuqdad Ka Qabaa, Fikirka Ay Dadku Ka Aaminsan Yihiin Ragannimadiisa Oo Uu Doonayaa In Uu U Muujiyo

                          Hargeysa,1Oct,2015(QJ/SDN)-Cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in ragga nafsi ahaan u aaminsan in ragannimadoodu ka yara hoosayso intii caadiga ahayd ama ugu yaraan ay dadku sidaa u arkaan ay dareemaan diiqad iyo cuqdad nafsi ah oo inta badan dabeecaddooda ka dhigta mid dagaalka iyo rabshadda door bidda. Cilmibaadhistani waxa ay tilmaamtay in nin kastaa uu…

                          Read More