Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska Oo Weerarkii Paris U Aaneeyay Qulqulka Qoxootiga Carabta ah ee galaya Qaaradda Yurub

    Paris,20Nov,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa sheegay in dadka lala xidhiidhinayo kooxda IS ee weeraray Paris toddobaadkii lasoo dhaafay ay suuro-gal tahay inay ka faa’ideysteen qulqulka qoxootiga tirada badan ee Yurub galaya. Vallsoo wareysi siiyaya telefishin fadhigiisu yahay Faransiiska ayaa hoosta ka xariiqay in dadkaas ay dalka Faransiiska galeen iyadoo aan laga warqabin, ayna ka…

    Read More

      ”Horta Somaliland Way Go’aansatay Inay ka Go’do Somalia,In la Yidhaahdo Odayaal baa Wada Hadlaya Waa Shaqo Siilaanyo” Eng Maxamed Xaashi Cilmi DAAWO

      Hargaysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ku dooday in Somaliland iyo Somalia ay kala go’een wakhti hore Waxaanu xusay in Wararka sheegaya in Salaadiin ka socota Labada dal ee Somaliland iyo Somalia ay sii ambo qaadayaan Wada hadaladii u dhexeeyay labada Wadan Mid Mugdi Gelinaysa inay Ummada…

      Read More

        Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka Hadlay Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia,Ma Jirtaa in Madax dhaqameedku ka qayb gali doonaan ?DAAWO

        Hargeysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Xaaji Cali Shire oo Kulan Warbaahineed ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Sheegay inay soo dhawaynayaan Go’aan ay ku aqoonsadeen Somaliland Golaha Deegaanka Tower‬ Hamlet ee Magaalada London. Dr Sacad Xaaji Cali Shire Waxaa kale oo uu ka hadlay Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia iyo…

        Read More

          Boobe Oo Ka Hadlay Wadahadaladii Somaliya & S/land Iftiimiyayna In Madaxdhaqmeeydyo Wadahadlka Lagu Soo Daridoono-DAAWO

          Hargeysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka hadlay Wada hadalada Ma dhalayska ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia ee Turkigu Maalgelinayo,oo la sheegay in Madax dhaqameed ka socda Labada dal inay la wareegayaan sii ambo qaadista Wada hadalada labada wadan u dhexeeya. Boobe Yuusuf Ducaale Wuxuu…

          Read More

            Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Adduunka u bandhigay qorshe dib loogu mideynayo Hargeysa & Muqdisho iyo waxa uu ka aamisan yahay Tabashada Reer Somaliland

            Ottawa, 20 November, 2015-(SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, imikana ah Madaxa Waaxda horumarinta Beeraha ee Baanka Islaamka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shaaca ka qaaday Nidaam cusub oo la doonayo in la iskugu soo dhaweeyo Shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya oo kala tirsanaya dhibaatooyin badan oo dhacay xilligii uu dalkii la isku odhan jiray…

            Read More

              Rooda Axmed Yaasiin Oo Ka Hadashay Socdaalka Madaxweynaha Ee Berbera,Wareejinta Dekedda Berbera iyo Qodobo Kale DAAWO

              Berbera 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Rooda Axmed Yaasiin, guddoomiyaha gobolka Saaxil ee xisbiga Ucid, ayaa ka digtay qorshaha lagu wareejinayo dekedda Berbera. Waxay sidoo kale naqdiday safarka madaxweyne Siilaanyo ku tagay Berbera, iyadoo ugu baaqday inuu wax ka bedelo qorshaha uu ku wareejinayo dekedda. Madaxweynaha Somaliland ayaa  socdaal ku tagayo Berbera, balse faahfaahin lagama bixin socdaalkiisa, waxaana…

              Read More

                “Marxuun Cawke ayaa ii Bixiyey Magaca Jidhif Habeen Caddo ah oo aannu Kubbad Wada Ciyaaraynay” Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Jidhif

                Hargaysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif),ayaa si qoto dheer uga waramey waayo xusuus leh oo ay caruurnimadoodii soo wada qaateen Marxuum Axmed Xasan Cowke oo ay kuwada noolaayeen Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya halkaas oo aheyd halkii ay ku barbaareen ee ay…

                Read More

                  Dareenka ay Bulshada Somaliland ee Uk ka Bixiyeen Golaha Deegaanka Tower‬ Hamlet ee Magaalada London oo Aqoonsaday Somaliland DAAWO.

                  London 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxaa habeenkii Arbacadii Fadhi ay yeesheen golaha Deegaanka Tower Hamlet ee Magaalada London ay ku sheegeen inay aqoonsadeen Jamhuuriyadda Somaliland. Inkastoo Talaabadan Mid la mid ah ay hore u sameeyeen Golayaasha Deegaanka ee Magaalooyinka Sheffield & Cardiff’s ayaa Jaaliyadda Somaliland ee Uk ku dhaqani waxay dareenkooda ku cabireen nooca aqoonsi ee…

                  Read More

                    Labadii Mas’uul ee Wakiilka uga ahaa Somaliland Telefishanka Star Tv oo Shaqadii Isaga Tegay Iyo Doorka Xukuumadu ka Ciyaartay Soo Xero gelinta Mulkiilaha Telefishankaas

                    Hargaysa 20.Nov 2015 (SDN/QJ):- Agaasimiihii guud ee Telefeeshinka Afka Somaaliga ku baxa ee Star’tv Xamse Cali Bulbul iyo Madaxii wararka Telefeeshinkaas Xasan Maal Dhidar ayaa ka tagay shaqadii ay Tv-gaas ka hayeen. Labadan masuul oo muddo kooban horumar gaadhsiiyay daawashada Star’tv iyo dadka ku xidhan oo kordhay, macada ilaa hadda sababta kaliftay banaynta hawshii ay hayeen,   balse warar kala duwan…

                    Read More

                      Ururka Suxufiyiinta Punt land ee Map Oo Si Adag uga Hadashay Xadhiga Wariye Deperani,Wasiir uu Waraystay oo Saluugay Waraysigiisii DAAWO/DHAGAYSO

                      Garowe 20 Nov 2015 (SDN/QJ):- Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa ka hadlay xadhig Maalintii Shalay  Garowe loogu gaystay wariyaha Somalichannel ee Garowe, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani). Shir jaraa’id uu qabtay Gudoomiyaha MAP Mudane Faysal Khaliif Barre oo ay garab taagnaayeen inta badan wariyaasha Gobalka ka howlgala, ayaa sharci daro ku tilmaamayay xariga Deperani wuxuna sheegay inaysan arrimaha noocaas oo…

                      Read More

                        Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia oo soo arkay Godad dhaadheer oo Kenya ay ka qoday Xadka SAWIRO

                        Balad Xaawo 20.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiiro iyo Xiildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer iyo indho indheyn waxa ay ku tageen Xadka ay Wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya , gaar ahaan dhinaca Degmada Balad Xaawo. Wafdiga Dowlada ee tagay Degmada Baladxaawo ayaa waxaa higaaminayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxaana Xubnaha wafdigan ay ka…

                        Read More

                          Deegaanno Gobolka Sool Ka Tirsan Oo Xanuun Astaamihiisa La Garan Waayay Dadka Ku Dhacay

                          Laascaanood, 20 Nov 2015 (SDN/QJ):-Waxgarad jooga deegaanka God-Aalo ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay Xanuunno iyo abaaro ka jira deegaankaas oo 135 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Laascaanood. Maxamuud Cabdi Ciise (Biciid Fuul) oo ah guddoomiyaha God-Aalo ayaa VOA u sheegay in xanuunada iyo abaaraha ka jira dartood ay dadka deegaankaas u hayaameen duleedka…

                          Read More

                            Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland oo Xustay Maalinta Xog-ururinta Afrika

                            Hargeysa, 20 November, 2015-(SDN/QJ):- Dalalka Qaaradda Afrika oo Somaliland ku jirto, ayaa Shalay looga debaal-dagay Maalinta Xog-ururinta oo Sannad kasta la qabto 18-ka bisha November. Wasaaradda qorsheynta Qaranka Somaliland oo ka duulaysa ahmiyadda maalintani u leedahay Somaliland iyo Afrika inteeda kaleba, ayaa huteelka Maansoor ee Hargeysa ku qabatay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo Maalinta Xog-ururinta waxayna…

                            Read More

                              Botswana: Dheemankii ugu weynaa oo laga helay in ka badan Qarni Kaas oo Cabirkiisu Yahay 1,111 karaat

                              Botswana 20.Nov 2015 (SDN/QJ):-Dheemankii mid un uu ka weynaa taariikhda adduunka ayaa laga helay dalka Botswana, sida ay sheegtay shirkadda Lucara Diamond. Dheemankaas oo cabbirkiisu yahay 1,111 karaat, ayaa laga helay macdanta meesha laga qodo ee Karowe, oo 500km waqooyi ka xigta magaalada Gabarone. Waa dheemankii ugu weynaa oo laga helo Botswana, waana kii ugu xajmiga…

                              Read More

                                Kooxda Daacish oo Soo Bandhigtay Banbaanadii ay ku Qarxiyeen Diyaaradii Ruushka Iyo Qaabka Cusub ee loo farsameeyay

                                Qaahira 20 Nov 2015 (SDN/QJ):-Kooxda Daacish ayaa warbaahintooda ku shaaciyey sawirka Bambaanadii ay kusoo rideen diyaaradii laga lahaa dalka Ruushka oo 31kii Oktoober kusoo dhacday gobalka Siinaay ee dalka Masar. Kooxdan ayaa sheegatay in ay hawshan u fududeysay nidaam xumada ka jirta Airporka Sharmal Sheikh ee ah halka ay kasoo duushay Diyaarada oo siday dalxiisayaal…

                                Read More

                                  Qaramadda Midoobay oo Dowlada Somaliya uga digtay falalka ka dhanka Xaquuqul Insaanka

                                  Muqdisho 20 Nov 2015 (SDN/QJ):- Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr.Ivan Šimonović oo  shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaalada dalka Soomaaliya oo uu ku yimid booqasho shan maalmood ah. Ivan Šimonović ayaa sheegay inay jiraan horumar badan iyo dadaal xoogleh oo socda dhanka Amniga iyo dhismaha Dowladnimada Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in…

                                  Read More

                                    Taliye Laanta Socdaalka Somaliland Ina Cambaro oo sifo Baal marsan Sharciga Socdaalka Shaqada uga fadhiisiyey Saraakiil ka tirsanaa Laanta socdaalka

                                    Hargaysa 19.Nov 2015 (SDN/QJ):- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), ayaa hay’adda uu Qaranka masuulka uga yahay ka bilaabay dhaqdhaaqyo uu saraakiisheeda sifo aan sharci ahayn ugu kala daadinayo Taliye Cambaro oo bishii September ee sannadkan shaqada ka fadhiisiyey ku-xigeenkiisii isagoo kaashanaya Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ilaa hadda…

                                    Read More

                                      Madaxweynaha Punt land Iyo Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Arrimaha Somalia oo ka Wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka

                                      Garowe 19 Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha maamulka Puntland Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa habeenimadii xalay Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaaliya Danjire Nickolas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland. Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullan gaar ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd…

                                      Read More