Somaliland: Presidential Condolences regarding Paris terror Attack on Friday 13th November 2015.

    Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):-The President of Republic of Somaliland H.E. Ahmed Mohamed Silanyo In The Name of ALLAH the Most Merciful Most Magnificent;   The terrorist attacks in Paris on Friday, 13.11.2015 was alarming and heartbreaking. The President of the Republic of Somaliland H.E. Ahmed Mohamed Silanyo and his government strongly condemn the series of attacks which have left scores of innocent people dead….

    Read More

      “Weeraradii argagaxiso ee ka dhacay Paris,waxay ahaayeen arin naxdin iyo qaracan badan” Madaxwaynaha Somaliland oo Ka Hadlay Weerarkii Paris ee Dalka Faransiiska.

      Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay weeraradii aragagixiso ee ka dhacay dalka faransiiska,isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo xanuun iyo qaracan badan leh. Madaxwaynaha Somaliland waxa uu cambaareeyay weerarkaasi maalintii shalay ka dhacay magaalada Paris ee ay dadka badan ku dhinteen. Warsaxaafadeed arintan lagag hadlayo oo ku socda dalka Faransiiska kana soo…

      Read More

        Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee India

        Muqdisho 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai. Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Danjiraha cusub in dowladda Soomaaliya in ay iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn u fidin doonto inta ay ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda,…

        Read More

          MUUSE HOGAAMIYE AAN LAGA FILAYN SIDAN! W/Q: Maxamed Cabdillaahi Biixi

          Laga soo bilaabo 2002dii ilaa hadda oo aynu taaganahay 2015kii waxa aad halgan dheer usoo martay sidii aad maruun kursiga ugu sareeya Xisbiga Midnimda Iyo Horumarka​ somaliland aad u hanan lahayd kaasi oo ah musharaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbigaasi, guushani may ahayn mid aad dhayal kusoo gaadhay se waxay ahayd mid xanafteeda lahayd, duruufteeda wadatay,…

          Read More

            R/Wasaare Cumar oo Caasimadda Muqdisho Dib ugu soo Laabtay Kana hadlay Midho Dhalka Socdaalkiisii

            Muqdisho November 14, 2015 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, kadib booqasho ay ku tageen dalalka Kenya, Mareykanka iyo Malta. Waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil iyo dadweyne kale….

            Read More

              “Madaxweyne Siilaanyo Iskamuu Tanaasuline God bay Biyo ugu Galeen” Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani DAAWO

              Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta ka Hadlay Hadal haynta ku Saabsan Tanaasulka Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku Sheegay Mid ku Timid Culays badan oo la saaray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Boobe Yuusuf Ducaale Wuxuu Sheegay in dad la soo Uruuriyey oo Weji ku Macaash…

              Read More

                Wasiirkii Hore ee Caddaalada oo soo Taxay Haddimooyinka Guul daro ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Ku Hogaamiyeen Kulmiye DAAWO

                Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo Ka Mid ahaa Xubnihii Wasiiradda ahaa ee Iska Casilay Xukuumadda Somaliland oo Kulan Warbaahineed Maanta Ku qabtay Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa soo taxay dhacdooyinkii Guul darada ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi ku Hogaamiyeen Qabsoomidda Shirkii…

                Read More

                  Halkan ka daawo hees Cusub oo loo sameyey Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi heesta oo uu soo saray Abwaanka Qarniga Siciid Ilko Jiir daawasho wacan

                  London14Nov15(QJ/SD) Halkan ka daawo hees Cusub oo loo sameyey Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi heesta oo uu soo saray Abwaanka Qarniga Siciid Ilko Jiir daawasho wacan heesta oo soo saristeeda ay iska kashadeen Abwaan Siciid iyo Shabakada qubre joog xaafiiska London  

                  Read More

                    “Aniga waxay iila muuqataa Inay Madaxweynaha Taladu Seegtay Waayo Dadka Tartamaya ee Xisbiga ku Jirana inuu Dhex u Noqdo ayay ahayd” Prof Axmed Ismaaciil Samatar DAAWO

                    Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo seegtay inuu murashixiintii KULMIYE  ku tartamaysay siiyo saaxad ay ku kala baxaan golaha dhexe ee KULMIYE. Prof Samatar, oo waraysi siiyay Star TV, wuxuu sheegay in wasiiradii is casilay ay Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inaanu murashixiinta kala taageerin. “Aniga waxay iila muuqataa…

                    Read More

                      Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Dhagax-dhigay Dhismaha Wasaarada Biyaha DAAWO

                      Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici gudomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Biyaha Dr C/risaaq Jaamac iyo weliba mulkilaha shirkadda ALBARAKA  CONSTRUCTION COMPANY, Eng Cali Cumar ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee loo binaynayo Wasaarada Biyaha Somaliland. Munaasibada dhagax dhiga oo ka…

                      Read More

                        “Mucaaridku Waxaanay Garanayn In Aanay Jireen Asxaab Mucaarid, Haddii Aanu Dalku Ciidan Lahayn” Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag

                        Ceerigaabo 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar Mucaaridku ka sheegeen shaqaaqo dhawr qof ay  ku dhaawacmeen oo ka dhacday magaalada Ceerigaabo toddobaadkii hore. Waxaa kale oo uu intaa  ku daray Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag in dhacdadaasi kadis ah ay ku dhacday isla markaana aanay jirin ku…

                        Read More

                          Xildhibaan Nac-Nac oo Madaxweyne Siilaanyo ku Hambalyeeyay Go’aankiisa ka Tanaasulka Doorashooyinka

                          Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye  (Nac Nac) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ee ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyey sida uu uga hadhay musharraxnimada xisbiga Kulmiye. Xildhibaan Nac Nac oo qoraal uu arintaas kaga hadlayo ku faafiyey bogga uu ku leeyahay  Facebook ayaa waxa kale oo…

                          Read More

                            Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo Qaylo dhaan Xoogan ka Muujiyey Dooxyada Biyuhu ka soo Galaan Magaalada Berbera DAAWO

                            Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa Maanta Kormeer Ku soo maray Dooxyada Magaalada Berbera ay Biyuhu ka soo Galaan Kuwaas oo uu Sheegay in qaarkood loo sameeyay Moosas Celiye biyaha. Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ugu Baaqay Xukuumadda Dhexe Gaar ahaan Wasaaradaha Madaxtooyadda,Hawlaha Guud iyo Arrimaha Guduhu inay Gurmad ka…

                            Read More

                              Tirada Wasiirradii Xilka Ku Tirsaday Xaflado Jideeyay Sunne Lid Ku Ah Hanaanka Maamul Wanaaga Cumar M. Faarax FAALO

                              Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Waxa  maalmahan jidoobay dhaqan taban oo haddii uu sunne u noqdo masuuliyiinta dawladda  halis u ah qarranimadda iyo  maamuuska dawladnimadaba. Wasiirradii xilka iska casilay iyo kuwii cusbaa  waxay xilalka kula kala wareegeen Huteelo ganacsi, iyadoo dhaqaale lagu bixiyay xaflado  dawladdu ay ku gashay kharashaad aan daruuri ahayn. Waxa  dabeecadda dawladnimadda laga kasbaday…

                              Read More

                                Kenya Oo Ku Soo Durugtay Xuduudka Somalia iyo Abwaan Sangub Oo Dagaal Ku Tawaawacay+ Faallada Caamir

                                Muqdisho,14Nov,2015(QJ/SDN)-Todobaadkii la soo dhaafay ayay dadka ku nool degaanno u dhexeeya Somalia iyo Kenya sheegeen in dawladda Kenya baabi’inayso calaamadaha xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya, kadibna gudaha u soo galayso dhulka Somalia. Dhulka calaamadaha laga burburiyay ayaa ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Beled Xaawo ee Somalia iyo Mandheera ee Kenya. Waxay dadka dhulkaasi…

                                Read More

                                  Iska Hor Imaad Dhaawac iyo Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

                                  Gaalkacyo,14Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka bilowday dagaal u dhexeeya laba dhinac, kaas oo illaa haatan inta lasooo wariyay uu ku geeriyooday hal ruux. Dhawaaca laba askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa sidoo kale lasoo warinayaa. Warku waxa uu intaas ku darayaa,…

                                  Read More

                                    “Majeerteen Intuu Umaddii Xasuuqay Ayay Haddana Waa Wareey Yaa Daaroodaay Yidhaahdeen, Markaasuu Daarood..” Cali Khaliif Galaydh

                                    Balli-cad,14Nov,2015(QJ/SDN)-Cali Khaliif Galaydh, oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari, ayaa quus ka muujiyay qaddiyad dhawaan reer Puntland qalqaalinayeen oo ku saabsan in bulshada haybta guud la isku yidhaahdo Daarood la isku keeno. Waxa uu sheegay inaanay Bulshada Majeerteen isku hallayn karrin kadib markii ay ku baaqeen gogol nabadeed oo dhex marta bulshada…

                                    Read More