Xuutiyiinta Yemen iyo Isbaheysiga Sucuudiga oo Wada Gaadhay Heshiis Xabad joojin ah

Sanca 25,March,2016(SDN/QJ):-Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ee ka dagaalamaya Waddanka Yemen iyo Dowladda Sacuudiga, ayaa la sheegay in wada hadal horudhac ah oo ay yeesheen ku heshiiyeen in xabad joojin laga dhaqan geliyo dagaalka ka socda Waddanka Yemen. Xabad joojintan ayaa lagu wadaa inay bilaabanto 10ka bisha soo socota ee April, waxaana sidoo kale xigi…

Read More

Dawladaha Yurub oo ka Arrinsanaya Argagixisada, Ka dib Weerarkii Daacish ku qaadday Brussels

Brussels 25,March,2016(SDN/QJ):- Kadib weerarkii Brussels, Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Cadaaladda ee Waddamada Yurub ayaa shir deg deg ah ku qabanaya Magaalada Brussels. Waxay ka hadli doonaan sidii looga hortagi lahaa khatarta ka imaanaysa Kooxaha ay ugu yeedhaan Argagixisada iyo sidii looga hirgalin lahaa sharciyadda Argagixisada dhammaan Midowga Yurub. Waraysi uu siiyay BBC Agaasimaha Booliiska Yurub…

Read More

Somaliland: ‘’ Waxa nasiib darro in walaalaha Soomaaliya aanay illaa maanta Koombo naga soo gaadhin’’

Hargeysa (QJ/SDN) – Guddida abaaraha dalka ayaa ku dhawaaqday inay xaalada dadka abaaruhu ay saameeyeen ay ka sii darayso waxaanay ugu baaqeen shacbiga Somaliland taakulaynta dadkaas abaaraysan. Guddidan oo maanta saxaafadda kula hadhashay aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa nasiib darro ku tilmaantay in dalka Soomaaliya aanay illaa hadda ka qayb qaadan abaaraha baahsan eek a jira…

Read More

Isbaheysiga Dimuquraadi doonka KULMIYE Oo Deedafeeyay Go’aan Hoggaanka Xisbigu ku Caydhiyey Shan Xubnood

Hargaysa 24.March 2016 (SDN/QJ):- Hoggaanka Xubnaha Isbaheysiga KULMIYE ee Cadhada kaga maqan Xisbiga, ayaa War-murtiyeed ay Maanta Hargeysa ka soo saareen ku deedafeeyay Shan Xubnood oo Garabkooda ka mid ah oo Hoggaanka Xisbigaasi Shalay ka qaaday Xubinnimadii Xisbiga. War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiye-yayaasha 2-aad iyo Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan…

Read More

Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Suldaanka Cusub Ee Subeer Awal

Hargeysa (QJ/SDN) – Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna Murshaxa jagada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay suldaanka cusub ee subeer awal ee dhawaan lagu caleemo saaray magaaladda hargeysa. Isla markaana wuxuu sheegay inuu la shaqayn doono suldaanka cusub. Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo ka soo baxay xafiiska xisbiga Kulmiye, kulana saxeexanyahay murshaxa…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Mahadnaq Taakulan Ah U Diray Boqorka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal mahadnaq ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Xukuumada isu-taga imaaraadka carabta iyo shacbiga dalkaasiba guud ahaan. Dhambaalkan mahadnaqa ah waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu si buuxda ugu mahadnaqayo boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka ugu…

Read More

Somaliland: Booliska Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Wan Hirdi Ku Dilay Wan Kale

Hargeysa (QJ/SDN) –  Wan hirdiyey Wan kale ayaa saldhiga xaafadda Daami loo taxaabay kadib markii uu hirdi xoog badan madax kala eegtay isla markaana uu halkaas ku naf waayey Wankii kale. Muuqaal laga soo duubay gudaha saldhiga Daami ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Wanka hirdida ku dilay Wanka kale, waxaana ag joogay askarr isaga…

Read More

Hawl-gallo laga Sameeyay Boosaaso oo lagu soo Qab-qabtay dad rayid ah ah oo ka badan 150-qof

Boosaaso (QJ/SDN) – Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso ayaa in ka badan 156-qof ku qab-qabtay howlgal ay magaaladaas shalay ka sameyeen, kuwaasoo ay ku qabqabteen dad badan oo shacab ahaa. Dadweynahan oo laga soo qabqabtay hoteello ay deggenaayeen, xaafadaha iyo goobo kale ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dhammaantood gacan-saar la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo lagu xiray xabsiga…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ammaanay Ciidanka Difaaca Puntland ee la dagaalamay Al-Shabaab

Muqdisho (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland, guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al Shabaab oo doonayey inay degaannada Puntland isku fidiyaan. “Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda…

Read More

Weyddiimo ku sabsan dagaalkii Puntland iyo koox lagu sheegay Alshabaab.

Waxaan doonaya bal inaan dhowr su’aal halkaan ku soo bandhigo kuwaas oo ku sabsan dagaalkii maalmahan dambe dhexmarayay maamulka Puntland iyo koox lagu sheegay Alshabaab, marna u wasiirka Warfaafinta Puntland ku sheegay dhallinyaro haboowsan. Weyddiimaha oo noqon doonna su’aalo balse jawaab u baahan. 1- Ma maqashayn meel ay Shabaabku ku sheegtayn dagaaladii bariga Nugaal iyo…

Read More

Nadaxwayne Ku-xigeenka South Suudaan Oo Socdaal Hawleed Ku Yimid Jabuuti

Jabuuti (QJ/SDN) – Madaxwayne ku-xigeenka South Sudan Rier Machar ayaa maanta socdaal hawleed ku tagay jamhuuriyada Jabuuti, waxaana qasriga madaxtooyada jabuuti ku qaabilay madaxwaynaha Jabuuti Ismaacliil Cumar Geele. Waxaana kulanka labada masuul ku dhexmaray qasriga madaxtooyada jabuuti lagaga wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa isla markaana loodhaqan galin la haa heshiiskii ay IGAD gadhwadeenka uga…

Read More

Maxkamadda Hargeysa Oo Wasaaradda Daakhiliga U Diiday In Waaran Loo Jaro Laba Saxafi

Hargeysa (QJ/SDN) – Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ka diiday in waaran qabasho ah loo jaro guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keef-keef). Sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Isniintii tagay maxkaamdda gobalka Hargeysa iyagoo doonaya in…

Read More

Daawo:-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cukuse Oo La Kulamay Haayadaha Kala Shaqeeya Arimaha Xoolaha iyo Dooraka Ay Ka Ciyaarayaan Arimaha Abaaraha

Hargeysa (QJ/SDN) – Wasiirka xanaanada xoolaha Maxamed Daahi Cuskuse ayaa daboolka ka qaaday kulamo ay la qaateen haayadaha ay kala hawlgala arimaha xoolaha dalka, waxaanay haatan ka wada hadalayaan sidii door muuqda ay uga ciyaari lahaayeen abaaraha dalka ku dhuftay. https://www.youtube.com/watch?v=NsZayFnFli4

Read More

Daawo:-Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laasacaanood U Gaadhay Sababo La Xidhiidha Saami Qaybsiga Golaha Wakiilada Ee Gobalada Dalka

Laascaanood (QJ/SDN) – Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland ayaa gaadhay Laasacaanood waxaanay halkaas ka wadaan arimo la xidhiidha xildhibaanada golaah wakiilada iyo xeerkii lagu soo xuli lahaa iyo arimo aanay ka maqnayan saami qaybsiga gobalada ee arintaas. https://www.youtube.com/watch?v=eM4RIOnB5UM

Read More