Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Hadlay iska Hor imaadkii dhex maray Ciidamada Amaanka iyo Dadka Deegaanka Qool caday
Hargaysa 24.April 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay iska horimaad shalay dhex maray ciidamada Booliska iyo dadka deegaanka Qoolcaday, ka dib markii shalay deegaankaas la geeyay riig biyood, waxaana riigga horkacayay Salaadiinta deegaankaas iyo wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland. Wasiir Warancade, ayaa telefishanka Star u sheegay in iska horimaadkaasi uu sababay…
