Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Somalia Oo Xilkii Kala Wareegay Guddoomiyihii Hore

Muqdisho 10,May 2016 (SDN/QJ): -Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa xilkii kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf. Xaflada xilka kula kala wareegayeen masuuliyiintan ayaa waxa lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare, waxaana ka soo qaybgalay Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar…

Read More

Philippine Oo Dooratay Madaxweyne Cusub

Davao, 10,5,2016  (QJ/SDN) – Rodrigo Duterte duqa magaalada Davao ee koonfurta Philippine ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashadii shalay dhacday. Rodrigo, wuxuu helay ku dhawaad 6 malyuun oo cod, oo ka badan codadka ninka isaga ku soo dhow oo ah, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha…

Read More

Xukuumadda Soomaaliya oo Bilawday Qorista Shaqaale Soomaali ah oo Loo Dirayo Sacuudiga

Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabashada diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay billaabista diyaarintii shaqaalaha loo…

Read More

Meydadkii Dadkii Ku Dhintay Badda Mediterranean-ka oo Xeebaha Greece Kusoo Caariyay

Athans, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Meydadka qaxooti badan oo tahriibeyaal ah oo dhawaan ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa kusoo caariyay xeebaha Greece. Arintaas ayaa walaac xooggan ku abuurtay dawlada iyo shacabka dalkaasi Greece. Greece ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibeyaashu marka ay kusii jeedaan qeybaha kale ee Yurub. Dad badan oo meydadkoodu…

Read More

Al-Shabaab Oo Fashilisay Weerar Ay Ku Qaadeen Ciidamo Maraykan Ah

Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay ka hor-tageen weerar ciidammo Mareykan ah oo watay diyaarado ay xalay doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Toora-Toorow oo ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose. Warar ay Al-shabaab ku baahisay barahooda ayay ku sheegtay in illaa 10-askaro oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay kasoo degeen…

Read More

“Doorasho Ayaa Inagu Soo Socota, Waxaan Asxaabta Kula Dardaarmayaa Tartan Nadiif Ah”

Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), ayaa ka hadlay gaabiska ka muuqda Diiwaangelinta kaadhka cod bixinta ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu dadka ku booriyey in aanay dhayalsan kaadhka diiwaangelinta oo ay qaatan. Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,…

Read More

SAWIRRO: Kulan Ay Caawa Soo Qaban-qaabisay Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Laga Soo Saaray Go’aammo Lagu Dar-dargelinayo Diiwaangelinta

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo dar-dargelin lahaa diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ayaa caawa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, kulankaasi oo ay soo qaban-qaabisay Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo. Kulan oo ahaa mid si wayn la iskugu waydaarsaday aragtiyo iyo falan-qayn ku aadan sidii loo…

Read More

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo Markale Digniin u Dirtay Madax-dhaqameedka

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo tixraacaya Wareegtadii Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna taariikhaysan 11/01/2015 oo kazoo baxday xafiiska wasiirka Arrima gudaha ujeedadeeduna ahayd joojinta caleemo saarka cuqaasha iyo salaadiinta soo badanaya. waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska JSl . in…

Read More

Wasiir Cali Warancade Oo Ciidamada Booliska, Sirdoonka Iyo Laanta Socdaalka Ku Amray In Shacabka La Waydiiyo Kaadhka Muwaadinka Iyo Ka Ajaanibka

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  mudane  Cali Maxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland . Halkan hoose ka akhriso warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiir Waran-cadde

Read More

WASHINGTON POST: NISA waxay si khasab ah ku askareysaa caruurta ka soo baxda Al-shabaab

Muqdisho , 9,5,2016(QJ/SDN) – Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray sida dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Somalia loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA. Warbixinta ayaa lagu xusay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Alshabaab,…

Read More

Xukuumada Somaliland Oo Wiish U Dalabtey Gaadhi U Lahaa Masuul Tashuush Ku Furay Diwaangalinta

Hargeysa, 9, 5,2016 (QJ/SDN) – Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay gaadhi uu leeyahay xildhibaan katirsan golaha deegaanka Hargeysa, kaas tuhun dartii loo xidhay. Sida ay sheegayaan xogo uu wargeyska Hubaal ka helay xabisaadda ciidamada ammaanku kula kaceen gaadhiga xildhibaanka, waxa baabuurka looga shakiyey inuu qayb ka qaatay babaallo ka dhan ah diiwaangelinta codbixiyayaasha magaalada…

Read More

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Goor-dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Xarunta talista ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa ka dhacay qarax sababay qasaaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac gaari nooca raaxadda ayaa loo adeegsaday qaraxa kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta fiisho-Taraafico ee degamada Cabdi-caziiz. Sida la soo wariyay inta la ogyahay 5 ruux ayaa ku dhimatay oo u…

Read More

Somalia: Dawladda Federaalka oo lagu wareejinayo maamulka Hawada iyo Somaliland oo aan Ka Hadlin

Nairobi, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Waxaa magalada Muqdisho xarunta dalka Somalia la gaadhsiiyay qayb kamid ah qalabka lagula socda hawada Somalia, kaasi oo laga soo qaaday dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, waxaana la filayaa in maanta [Isniinta 9 May 2016] lagu wareejiyo wasaaradda gaadiidka. Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in arrintan…

Read More