Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Diiday Xeerka Qandaraasyada Qaranka
Hargeysa, 8,5,2016 (QJ/SDN – Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday xeerka qandaraasyada qaranka oo ay xukuumadda Somaliland u soo gudbisay. Fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo uu shirguddoominayay guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa ka soo qayb galay 45 mudane, waxaana xeerkaas diiday 33 xildhibaan, halka ay 7 xildhibaan ogolaadeen, 4 xildhibaana ka…
