DHAGEYSO: Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo Oo Go’aammo Soo Saartay

Hargeysa,29,6,2016 (QJ/SDN) – Shir jaraa’id oo ay goordhaweyd ku qabteen guddida guud ee Sahan-Barwaaqo magaalada Hargeysa ayay waxay ku shaaciyeen go’aamo ay sheegeen in ay ka shirayeen maalmihii ugu dambeeyay, iyadoona Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo ay go’aammadani ku sheegeen in ay taageersanyihiin heshiiskii laga gaadhay Banka Qool-cadey. Sidoo kale Sahan-Barwaaqo ayaa go’aamadeedan ku sheegtay in…

Read More

“Midnimada Somaliland Iyo Somaliya Waxay ku timid Is-afgarad, Waxaana Burin Karaysa Afti kasta Oo Midkood Ku Diido Midnimadaas”

Hargeysa,29,6,2016 (QJ/SDN) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa ku doodaya in afti kasta oo Somaliland ama Somaliya ku diido midnimadii lixdankii ay burinayso midnimadaas fashilantay. Ismaaciil, oo farriimo qoraal ah soo geliyay bartiisa twitterka oo ay dad badani ku xidhanyihiin wuxuu sheegay in midnimadaas lixdankii ay ku timid is afgarad, haddana lagu laali karo…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalacsiiyay 140 Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka

Hargeysa,29,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa darajooyin dalacsiin ah siiyay 140 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka qaranka, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in saraakiisha la dalacsiiyay ay u dhexeeyaan kabtan ilaa gaashaanle sare, waxaana la siiyay darajooyin…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay inay Gudi Gaar ah u diri doonto Dalka Itoobiya Iyo Arrimaha ay Ka Wada Hadli Doonaan DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Horaantii Bishii Barakaysan ee Ramadaan Ciidamada Liyuu Boolis ay Gabood fal Bani aadaanimada ka dhan ah ka sameeyeen Deegaanka Jaamac Dubad ee Degmada Gaashaamo ee Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya,Sidoo kalena ay Xabsiga Jigjiga ku hayaan Weriyihii HCTV ee Gobolka Gebilay Mukhtaar Nuux Ibraahin ayaa Waxay Dawlada Somaliland Sheegtay inay Wefti…

Read More

SHEEKH BASHIIR: Sharciga JINSIGA Qodobbo toos ISLAAMKA uga Hor-imaanaya ayaa ku jira

Muqdisho,29,6,2016 (QJ/SDN) – Hoggaanka sare ee Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa kasoo horjeestay Sharciga Siyaasadda Qaran ee Jinsiga ama Gender, iyagoo Sheegay inay qoraalka sharcigaan ku arkeen qodobo badan oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka. Sharcigan ayaa waxaa bishii hore Meel-marisay Dowladd Somalia, waxaana culumadu ay sheegeen in sharcigan uu dalbanayo inay meel-mariso dhammaan Xuquuqaadka haweenka. “Markaan akhrinnay…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo Ku dhiiraday Talaabo ay ka baqeen Wasiirada Arriamaha Gudaha iyo Warfaafintu DAAWO

Burco 29.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan oo hore loogu Naanaysi Jiray Qabo ayaa Bulshada Gobolka Togdheer u Bixiyeen Qabyo-Tire Waxa uu Gudoomiyuhu maalintii Shalay dejiyey Dad Mudaharaad Sameeyay oo ka soo Hor jeeday Gabood falada ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan Dadka ku dhaqan Deegaanka Degmada Gaashaamo. Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta…

Read More

Magaalada Laascaanood oo Xaalad Kacsanaan ah ku Jirtay,Awaamiir adag oo dhanka amaanka ah oo Lagu dhawaaqay Iyo Qaabkii loo dilay Laba Ruux DAAWO

Laascaanood 29.June 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ilaa Xalay Waxaa Saarnayd Xaalad Bandoo ah oo lagu soo Rogay Kadib Markii Rabshado Khasaare geystey ay ka dhaceen koonfurta Magaaladaasi oo lagu dilay Laba Ruux (Wiil iyo Adeerkii) Taas oo Salka ku haysa Colaada ka Oogan Deegaanka Dharkeyn Geeyo ee Gobolka Sool oo…

Read More

‘’Morgan aan idunku soo wareejinee idinkuna Feysal Cali Waraabe oo 25 sano nacaayayey noo soo dhiiba’’ Kaftanka Siyaasada iyo Weriye Cali Xaraare DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Weriye Cali Xaraare ayaa Barnaamij uu soo Saaro oo la Yidhaa Kaftanka Siyaasadda oo ka Baxa Telefishanka Afka Somaliga ku hadla ee Kalsan Waxa uu Todobaadkan kaga hadlay Ka Go’istii Ingiriiska ee Midowga Yurub oo Saamayn ku leh dadka Somaliga.

Read More

Tusmadii Qisaska Nolosha Iyo Taxanihii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood ‘’Waxaad u Baahan tahay Malaa’ig Nolosha Kula qaybsata’’ {DHAGAYSO}

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Dhagaystayaasha ku Xidhan Shabakada Qurbejoog Waxaanu si Joogto ah idiinku soo Gudbinaa Taxanaha Xusuus qor dhakhtar Ilkood oo ay soo diyaariso Halkana ka soo Jeediso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad ku Takhasustay Xannuunadda Ilkaha kana Hawl gasha Magaalada Hargaysa. Waxaynu Tusmadeenan iyo Maanta ku eegi doonaa ‘’Waxaad u Baahan tahay…

Read More

Dhaqaalaha Soo Gala Sannad kasta Sanduuqa Horumarinta Somaliland Iyo Sida Gobolada dalka Sadbursigu u Shaasheeyay DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF, Oo Sanadkiiba 64,000,000 US Dollar Lagusoo Rido, Iyo Sida Cadaalada Ka Fog Ee Loogu Qaybiyo Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland. Gobolka Maroodi-Jeex 46% Gobolka Togdheer 16% Gobolka Saaxil 14% Gobolka Gebiley 9% Gogolka Awdal 5% Gobolka Sool 5% Gobolka Sanaag 5%

Read More

Hadiyadii Ordogan Ku Dulleeyey Madaxweynihii Hore ee Faransiiska Zarkosy DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Muddo sanado ah oo kooban ka hor waxaa Magaalada Stanbul ee Dalka turkiga lagu qabtay shir sanadeedka dalalka dhaqaalaha leh ee G20, xiligaas waxaa dalka faransiiska hogaaminayey Madaxweyne Nicoly Zarkosy oo sheegay in uu kaga qaybgelayo shirweynahaasi sifada gudoomiyaha dalalka G 20 maadaama ay xiligaa faransiisku hayeen gudoomiyanimada dalalkaasi.. https://youtu.be/bnKViub36BU

Read More

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Faahfaahin ka Bixiyey Ujeedada Socdaal uu ugu Maqnaa Waddamada Yurub DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal ku joogay qaar ka mid ah Waddamada Yurub oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedada Booqashadiisa. https://www.youtube.com/watch?v=7-QMyiJpI2w

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Lix Gaadhi kala Wareegay Hay’ada WFP SAWIRO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hay’adda WFP  xafiiskeeda Somaliland kala wareegay Lix gaadhi oo ay hay’addu ugu deeqday hay’adaha dawladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin.   Munaasibada deeqda lagula kala wareegay oo ku qabsoontay barxada qasriga Madaxtooyada, ayaa waxa iyaguna ku sugnaa Masuuliyiinta hay’adaha dawladda…

Read More

Hawl Noocee ah ayay Ciidamada Jarmalku ka qabtaan Gudaha Dalka Somalia? DAAWO

Muqdisho 29.June 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada dalka Jarmalka oo howlo milatari u jooga gudaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay howlaha ay qabtaan iyo caawinta ay u fidiyaan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wariyeyaasha Barnaamijkan suubiyay ayaa waxay booqanayaan Xarunta ugu weyn ee ciidamada Midowga Yurub ku leedahay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aden Ade International iyo Wasaaradda Gaashaandigga oo…

Read More