Shirkii Kooxda Khaatumo iyo Dawlada Somaliland oo Maanta Ku Beegnaa Inuu Furmo oo Dib u dhacay & Xukuumadda oo ka hadashay Hakadka Shirkaas ku Yimid Qabsoomidiisa
Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay sababta keentay dib u dhaca ku yimid shirkii gogosha nabadaynta ee hore loo qorsheeyay in 25-ka bishan oo Maanta ku Beegan in lagu qabto magaaladda Burco beelaha gobolka Sool. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon) oo xalay Telefoonka ugu waramay Wargayska Afka Dawlada…
