Dareenka Shacabka,Khilaafaadka Siyaasada Iyo Xalin la’aantooda DAAWO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Marba Marka Xigta Somaliland ku soo Kordhaya Khilaafaad dhinaca Siyaasada ah Kuwaas oo Marba Xal Kooban oo Xumad Jebin ah laga Gaadho. Hasa Yeeshee Si rasmi ah looma daweeyo Halka Eelka iyo Xannuunku ka Yimid Balse Waxaa la dhayaa Nabar boogihiisu Muuqdaan. https://www.youtube.com/watch?v=8i0wE2_1y7M

Read More

‘’’Ina Uurcade anigaa ka dhigay Maayar Ku Xigeenka Waxaan ka soo Kaxeeyay Gaadhi Bas ah oo uu Waday,C.raxmaan Cirro-na Meel Caruurta Yar Yar lagu Hayo ayaan ka soo Kaxeeyay’’ Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ayaa u doortay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Halka Sidoo kalena lagu doortay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid iyo Xogahaya Golaha Dhexe. ‘’’Ina Uurcade anigaa ka dhigay Maayar Ku Xigeenka Waxaan ka soo Kaxeeyay oo uu Walaalayaal Waday…

Read More

Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo Taageeray Sharciyada Shirkii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Hargaysa ku qabtay & Maxsuulka War ay Hore u Sheegeen DAAWO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Guddida diwaan gelinta ururada iyo ansixinta asxaabta qaranka Ayaa daboolka ka qaaday inuu sharciga iyo go’aamadii maxkamada sare ka soo baxay waafaqsan yahay shirka aan caadiga ahayn ee uu magaalada hargeysa ku qabtay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal cali waraabe. https://www.youtube.com/watch?v=W-DRM0LNRaM

Read More

‘’Doorashada Maraykanka Waxaa laga Baran Karaa Ama Waddani ha ahaato Amase Kulmiye in Cid kasta oo Is Macaashsiisa ay Go’aanka Shacabka Ku Qanacdo’’ Gudoomiye Cirro DHAGAYSO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “ Cirro” oo VOA uga waramay Doorashada dalka maraykanka ayaa sheegay inay Somaliland ay ka baran karto in cid kasta oo marka hore is macaashsiisaa in go’aanka shacbigu uu leeyahay go’aanka shacbigana lagu qanco.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka Hadlay Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka DHAGAYSO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay Isla Markaana Hambalyo u diray Madaxweynaha 45aad ee Dalka Maraykanka Donald Trump ,sidoo kalena ka rajeeyey xidhiidhka maraykanka iyo Somaliland inuu noqdo mid horseedi doona aqoonsi buuxa oo ay Somalland hesho.    

Read More

“Jamaal Intuu ii yimi buu yidhi Muuse Biixi ayaan u Tanaasulayaa, Jawaabtii aan siiyay waxay ahayd..” Cali-Guray

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye Ku-xigeenkii saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo Garabka Jamaal Cali Xuseen ka tirsanaa, ayaa doraad ka muquurtay shir ay sara-joogga ku qabteen Garabka Jamaal, ka dib markii Xukuumaddu u diidday shir ay ku qabsan lahaayeen Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaanu ku dooday…

Read More

Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde oo Hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi ku tilmaamay mid Masuuliyad-darro ah

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa si duur-xul ah masuuliyadda rabshado ka dhacday Garoonka Kubbadda Cagta Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa ugu eedeeyey Rag uu tilmaamay kuwo doonaya inay talada dalka qabtaan ama waddanka hoggaamiyaan. Hase-yeeshee, Guddooomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Gurmad Qaran oo loo Fidinayo Dadka Iyo Duunyada Ku Tabaaloobay Xaalada abaareed DAAWO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Guddida Abaaraha heer qaran oo qasriga Madaxtooyada kaga dhawaaqay gurmad balaadhan in loo fidiyo dadka iyo duunyada ku tabaalaysan gobolada Bariga Somaliland. Guddida oo maalmihii u dambeeyey shirar ku jiray ayaa maanta soo saaray qodobo muhiima oo lagaga hawlgelayo abaarta baahsan ee taabatay shacbiga iyo duunyada ku dhaqan qaybo ka…

Read More

Gudoomiye Muuse Biixi oo Si Adag ula Hadlay Culimada, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha u tartami doona Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa farriimo waqtiga iyo waayaha ku qottoma u kala diray qaybaha ugu awooda badan ummadda Somaliland ee kala ah Culimada, Ganacsatada iyo siyaasiyiinta. Muuse Biixi ayaa farriimahan warbaahinta u mariyey mar uu ka hadlayey xaflad taageero ah…

Read More

Salaadiinta Gobolada Hawd iyo Daad Madheedh oo Ka Hadlay aragtidooda Ku aadan Rabshado Todobaadkan ka dhacay Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa DAAWO

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Galabnimadii Isniintii ee todobaadkan Waxaa Garoonka Hargaysa Stadium oo uu ka Socdo Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ciyaar adagi ku dhex martay Xulalka Gobolada Daad Madheedh iyo Hawd taas oo Guushu ku raacday Xulka Gobolka Daad Madheedh,Hasa Yeeshee Markii Ciyaartu dhamaatay Waxaa Garoonka ka dhacay Rabshado Sababay dhaawac tiro badan. https://www.youtube.com/watch?v=OCuUP9-QsL8

Read More

Duni Waji Cusub Yeelatay Waa Saameynta iyo Isbadalada Siyaasadeed ee laga Filayo Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Cusub ee loo doortay Aqalka cad ee Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu waji cusub u sameynayo siyaasadii Maraykanka ee ku aadanayd caalamka. Dadka siyaasada caalamka falanqeeya ayaa sheegaya in Donald Trump uu wax wayn ka badali doono siyaasada Maraykanka ee dalalka Caalamka iyo dunida muslimka. Maanta waxay la mid…

Read More

Waa Kuma Madaxweynihii 33ka Maalmood Xukumayey Dalka Maraykanka? & Asaraarka Qisadiisa DAAWO

Washington 10. November 2016 (SDN/QJ):- Markii ay taariikhdu ahayd 4tii bishii March ee sanadkii 1841kii ayaa lagu dhawaaqay guusha uu ku hantiyay xukunka Madaxweynihii 9aad ee dalkaasi Maraykanka William Henry Harrison oo waqtigaasi da’diisu ahayd 68jir. Waxaana loo diyaariyay Faraskii uu fuulli lahaa Madaxwaynaha cusubi markii uu u sii jeeday dhinaca gobolka Pennsylvania si loogu…

Read More

Habeen Ku Madoobaa Intii Taageersanayd Siyaasada Murashixii Dimuquraadiga ee uu Ka Guulaystay Madaxweynaha la doortay Donald Trump & Muuqaalada Dareenkooda ka Turjumaya DAAWO

New York 10. November 2016 (SDN/QJ):- Taageerayaasha Musharaxii Madaxwayne ee xisbiga Dimuqradiga ayaa waxa ku dhacday argagax iyo anfariir ka dib markii si lama filaan ah ay u soo baxday natiijo bedeshay Saacado Farxad ahaa Isla Markaana Codadkii ugu Badnaa uu Hantiyey Murashixii Dagaalka adagi u dhexeeyay oo haatan noqday Madaxweynaha 45aad ee dalka Maraykanka…

Read More

Maxaa Lagu Macnayn Karaa Guusha Taariikhiga ah ee Madaxweynaha Cusub ee Maraykanku ku Hantay Quluubta Shacabka Dalkiisa? Warbixin Xiiso Leh DHAGAYSO

Washington 10. November 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Weli Meelo badan oo Dunnida ah la iska weydiinayaa Sababta Keentay Guushii uu hogaaminta qaranka Maraykanka ku hantay Murashixii Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo haatan noqonaya Madaxweynihii 45aad ee Dalka Maraykanka. Madaxa Laanta afka somaliga ee Idaacada VOA C.raxmaan Yeberow ayaa Sharaxaad ka bixiyey Sababaha loo Malaynayo in Donald…

Read More

Khudbadii u Horaysay ee Madaxweynaha Cusub ee Maraykanku u Jeediyey Shacabka Maraykanka & Isbedelka Durba Ku Yimid Qaabkii uu Hadli Jiray DAAWO

New York 10. November 2016 (SDN/QJ):- Donald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaadhay doorashooyinkii ka dhacay Dalka Maraykanka. Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay guuleysan…

Read More

Dowlada Somalia oo ka hadashay doorashada Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump

Muqdisho 10. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo war saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump. Xasan Shiikh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Maraykanka uu ka dhexeeya xiriir wanaagsan uuna rajaynayo inuu sii xoogeysto. Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye ayaa…

Read More