Shakhsiyadda Donald Trump; Madaxweynaha La Doortay Ee USA & Hadaladiisii Cajiibka Ahaa!!- W/Q: Cabdirashiid Ismaaciil Ibraahim
Hargaysa 13.November 2016 (SDN/QJ):- In kastoo in badan oo Xisbigiisa ahi ka soo horjeedeen, haddana, Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka wuxuu ahaa mid xan-xantaynayay boogaha xanuunaya dadka cadaanka ah ee dalka Maraykanka oo isu arkayay kuwo dhibaatooyin badan lagu hayo. Dadka cadaanka ahi waxay aaminsanaayeen in 8 sanno uu xukumayay nid madow…
