Markii Ugu Horaysay oo Gabadh Soomaaliyeed Balse haysata Dhalashada Maraykanka oo Iyada oo Asturan ka Qayb gashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota

St Cloud/Minnesota 30. November 2016 (SDN/QJ):- Xaliimo Aadan oo 19 jir ah ayaa soo xidhatay dharka asturan ee Muslimiinta iyada oo jirkeeda qarisay intii uu bandhigu socday. Xaliimo oo ku dhalatay Kenya iyada oo yarna u wareegtay magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka mid noqotay 15 ruux ee ugu sareeyay…

Read More

Oday Somaliyeed oo Da’diisu Marayso 60 Jir oo Guursaday 40 Haween ah & Baadi Goobka Gabadh kale oo uu Baafinteeda Ku Jiro DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):- Cali dhagas waa mid ka mida odayaasha Soomaaliyeed, waxaanu odeygani ka waramay marxaladihii kala duwana ee guurkiisa. Waxaanu odaygani sheegay in uu guursaday 40 haweena, oo aanu waligiina qabi jirin gabadhi afkeeda ay ka soo baxdo ifur. Waxaanu yidhi oday Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan kala garan la’ahay…

Read More

Beesha Caalamka oo Madaxweyne Xasan Sheekh ka Codsatay Inuu Isku Dhiibo Ciidamada AMISOM si dalka loo badbaadiyo Amase inuu Qaato Go’aan Odhanaya……

Muqdisho 29. November 2016 (SDN/QJ):- Warar hoose oo Warbaahintu ka heshay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayan in Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaday uu kulan leyeshey Wakiilo ka socda Beesha Calamka iyagoo ka wadahadalay,arimaha Doorashooyinka.   Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kulan qaatay in…

Read More

‘’Hadii Hal Shilling la igu Helo anigaa Jeelka is Gaynaya,Cali Mareexan Isaga Iibsaday Daamurkii Aan Wadada U Dalbay, Waa Ceeb Xiligan In Olole Siyaasadeed la sameeyo in Dadka Loo Gurmado ayaa Haboon,Laakiin Waa Inoo Barwaaqa & Cida Burco igaga Awood badisa’’ Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey Kormeer ay ku soo mareen Deegaano badan oo ka Tirsan Gobolada bari ee Dalka oo ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed Waxa uu Xirsi Saluug ka Muujiyey qaabka looga hawl galay Gurmadka dadka iyo Duunyada. Waxaa kale…

Read More

‘’Madaxweynuhu Markuu Yidhi Xilkii Waan ka Nasanayaa Wuxuu Yidhi Adigu Hawshii sii qabo,Aniguna Kabihiisii Ma Gashan Karo oo Waayo aragnimadiisii Ma Lihi’’ Murashax Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sheegay inuu dareensan yahay Culayska uu leeyahay Xilka laga rabo inuu qabto Waxaanu xusay inaanu lahayn Waayo aragnimo u dhiganta ta Madaxweyne Siilaanyo.

Read More

“Jamaal Waxa Aan Leeyahay Wakhti Ha Ku Lumin Kulmiye Waxaynu Dalka Kaga Badbaadin Kareynaa Waddani Yaaney Kaa Qaldamin” C/Rashiid X.Mataan DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Xog-hayaha warfaafinta Somaliland Aqoonyahan Cabdirashiid Xassan Mattaan ayaa ugu baaqey aqoonyahan Jamaal Cali Xusseen in ay nasiib darro tahay in uu wada hadal la furo xisbiga KULMIYE. Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan ayaa Saaxiib dhow la ahaa Jamaal Cali Xuseen isagoo Jamaal u Cugtay inuu u Noqdo Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee…

Read More

‘’Mudane Madaxweyne Waa Lasoo Maleegay Shirkaa Adna Waa Lagugu Shaanbadeeyay allowse Sharaftaadii ma Dileen, Mucaarad iyo Muxaafadba sidee ayaad ugu cadayn kartaa inaad qabanayso doorasho xor ah oo xalaal ah’’ Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa si adag u dhalliilay kulan beelaysan oo Madaxweyne Siilaanyo beel ka mid ah beelaha bariga Burco uu cod ugu weydiinaayey Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi…

Read More

Badheedhihii Wasiir Samsam ee Ku Baanista Olole Siyaasadeed oo Reeraysan & Soo Celinta Nidaamka Is Gaashaanbuuraysiga DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa si adag ula hadashay Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka iyo Masuuliyiin ka tirsan Beesha Bariga Burco ee gobolka Togdheer oo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayey kulan gaar ah kula qaateen magaalada Burco oo Weftigu habeen hore u hoyday. Wasiir Samsam, ayaa Odayaasha iyo…

Read More

“Reer Kulmiye waxay yidhaahdaan dhaartii uunbaa noo hadhsan, Mar hadaad markhaatigii Faysal Cali Waraabe haysataan dee imika halaydin dhaariyo’’ Marwo Rooda Axmed Yaasiin DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin haatana ka mid ah Garabka Jamaal Cali Xuseen Hogaaminayo ayaa Sheegtay in Xisbiga Kulmiye ahaa kii Sida weyn ugu jiray Burburka Xisbiga Ucid iyo in Daaqada laga Saaro Murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen, Taas awgeedna ay Xidheen Wada Hadal…

Read More

Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Ka Gubtey Hadal Ka Soo Xisbiga Waddani oo Ugu Baaqay Ehelada Marxuun Isku dhex dal dalay Saldhiga Magaalada Berbera inay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Caddaalada furtaan & Dulucda Jawaabcelintiisa DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaarada Caddaalada Somaliland Axmed Faraax Cadare,ayaa ka gubtey hadal gantaal ah oo ka soo yeedhey xisbiga WADDANI,taasi oo ahayd in dacwad ka dhan ah wasiirka laga gudbiyo. Xisbiga WADDANI oo warbaahinta la hadlayey ayaa ugu baaqey ehelada maxbuus isku dhex del-deley xabsiga weyn ee magaalada Berbera in ay ka gudbiyaan…

Read More

Hay’adaha Ammaanka Somaliland Oo Lagu Dhaliilay In Aanay Weli Soo Qabanin Gacan-ku-dhiigle Toddobaadkii Hore Dil Ka Geystay Hargeysa DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Subeer Awal, ayaa markii u horreysay ka hadlay Dil Magaalada Hargeysa toddobaadkii hore loogu geystay Marxuum Magaciisu ahaa Aadan Faarax Sareeye oo uu Nin Madaxa soo duubtay ku dhex toogtay Meherad Farmasiiya oo uu ku haystay Xaafadda Xero-Awr. Madax-dhaqameedka oo Shir-jaraa’id si wada-jir ah ugu…

Read More

Wasaarada Biyaha Somaliland oo Wada Qorshe Ku Cusub Dalka Oo Biyo Ku Filan Loogu Raadinayo Bulshada Abaaruhu Saameeyeen

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Xili Ay dalka ka Taagan yihiin Abaaro Baahsan oo Aafeeyey Dad iyo Duunyoba isla markaana ay gabaabsi noqdeen Roobabkii Curan jiray Xiliyadani Xukuumaduna ay ku mashquulsanayd La Tacaalida dadka Abaaaruhu Saameeyeen Ayaa dhanka Kale waxaa Ay wasaarada Khayraadka Biyaha ee Somaliland oo Uu Gadhwadeen ka Yahay Wasiirka Wasaaradaasi Baashe Cali Jaamac…

Read More

Sahal Cabdi: Wiil Qoyskooda Musharrax Cirro Kafaalo-qaatay, Xaaladdii Laba Sano Ka Hor, Is-beddelka Maanta iyo Booqashadii Cirro

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Sahal Cabdi Ibraahim oo ah wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah, ayaa lugahiisa ku soo booqday guriga guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo markii hore wiilkaas dhallinyarta ah oo lugaha naafo ka ah hore ugu soo booqday gurigooda oo…

Read More

MUQDISHO: Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Beelaha Sacad Muuse Oo Isku Haysta Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya & Dhaleecayn loo Soo Jeediyey Raysal Wasaare Xigeen Maxamed Cumar Carte

Muqdisho 29. November 2016 (SDN/QJ):-Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Beelaha Sacad Muuse,  ee ka qaybgalaya Doorashada Baarlamaanka Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhex dhashay isqabqabsi u dhaxeeya Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Siyaasiyiinta kale ee u tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose iyo sare. Qoraal ay soo saareen Waxgarad iyo Xildhibaano ka mida siyaasiyiinta ka qaybgalaya doorashada dalkaas ayaa…

Read More

Ballanqaadyada KULMIYE Iyo WADDANI Usoo Qaddimeen Inay U Fulinayaan Garabka Jamaal Cali Xuseen Haddii Ay Ku Soo Biiraan

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Kulamo hoose oo saxaafadu diba joog ka tahay ay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa Gundaha isku galiyeen Garabkii Xisbiga UCID ka go’ay ee uu hogaaminayo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Labada Xisbi Siyaasi ee WADDANI Iyo KULMIYE oo aanay wali natiijo rasmi ah ka soo bixin…

Read More

Dugsigii ugu Horeeyay ee Magaalada Hargaysa ku Yaala oo loo Sameeyay Adeeg u Sahlaya Ardayda Naafada ahi inay Fasaladooda Waxbarasho tagaan Caawimaad La’aan DAAWO

Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Ururka Dhallinyarada Naafada Somaliland ee Soydo ayaa Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Madar ee Magaalada hargaysa ka hirgaliyey Goobo loogu talo galay in ardayda Naafada ah u fududaysa gelitaanka fasalada waxbarasho ee dugsigaas.

Read More