Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Xayiradii Ruqsadda Ka Qaadey Jaamacad Ay Hadda Ka Hor Ruqsadda Kala Noqotey DAAWO

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):-Cabdillaahi Ibraahim Habane Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland oo maanta warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegey in wasaaradda waxbarashadu ka noqotey mid ka mid ah jaamacado ay dhawaan ruqsadii waxbarasho kala noqotey. Jaamacadan ayaa waxaa uu sheegay wasiirku in ay tahay Togdheer University , balse waxaa uu shuruud kaga dhigay…

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Kulan Ballaadhan oo Haweenwaynaha degmada Axmed Dhagax ku Taageereen Xisbiga SAWIRO

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo haweenwaynaha degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa taageero ugu muujiyeen xisbal-xaakimka Somaliland iyo sidii ay hoggaaminta dalka ugu dooran lahaayeen murrashaxiisa. Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee…

Read More

Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Sababta Dr. Bulxan Looga Joojiyay Safarkiisa Muqdisho Iyo Hablihii Reer Somaliland Ee Baasaboorrada Ajaanibka Ah Sitay Ee Dawladahoogu Soo Doonteen DAAWO

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- “hablahu waa reer somaliland ah ee sita baasabooro ajaanib ah, haddaanu nahay waalidiinta, innagaa halkaa geynay amaba ku dhalnayba, markii ay ku dhasheena waxay yeesheen xuquuqo oo dalalkaasi ay baasaboorkooda qaateen ka yeesheen……………….laba kamid ah mooyaane, intii kale hablaha markii la weydiiyay, mid kastaaba  waxay ku jawaabtay ‘hooyaday halaygu celiyo,…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Goor dhawayd Xilkii ka Qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Isla Markaana Magacaabay Maareeye Cusub

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo uu Maanta Soo Saaray oo Isugu Jirta xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland. Digreetadan oo uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) Waxa…

Read More

Ma Dhabbaa In Xoghayihii Warfaafinta Ee Xisbiga WADDANI Ku Biirayo KULMIYE, Kulamo Hoosena La Yeeshay Hogaanka Xisbigaasi, Waase Sidee Dareenka Xisbigiisu?

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Kadib in muddo ah oo uu aamusnaa sidoo kalena dhaliilo toos ah iyo kuwo dadbanba uu xisbiyada qaranka hawada u mariyey isaga oo aan ka leexleexan in uu xataa xisbigiisa uu ka tirsan yahay ee uu xilka weyn ka hayo ka gabban in uu duro dhaliilana u soo jeediyo hogaankiisa…

Read More

Xogwaran uu Bixiyey Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo Ku Taliyey in La Kala Diro Golayaasha Deegaanka,Kana Warbixiyey Waxqabad uu ka Geystay arrimaha Khayriga ah

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Burco, xarunta Gobolka Togdheer, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu maayirro iyo ku-xigeenno u magacaabo magaalooyinka waaweyn ee dalka Marka la gaadho Dhamaadka Mudo Xiloodkooda. Md. Mubaarik Bidhi waxa uu sidaa ku sheegay wareysi uu…

Read More

“Anniga Ayaan Odhan Karayn Haddii Aannu Nahay Qoyska Reer Faysal Xisbi Ayaannu Ku Wada Biirnay, Sababtoo Ah Ma Xukumo’’ Guddoomiyaha UCID oo Wax Laga Xishoodo ku Tilmaamay Dadka Sheegta inay Yihiin Reer Hebel oo ku Biiray Xisbi

Boorama 07. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa wax laga xishoodo, isla markaana ayaan-darro ah ku tilmaamay dadka sheegtay inay yihiin reer hebel oo sida ay u dhan yihiin ku biiray xisbi hebel, arrintaas oo uu ku sifeeyey wax ka baxsan dhaqanka dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadi ah. Eng….

Read More

‘’‘Somaliland Waxay u Baahan Tahay in Maanta Laga Badbaadiyo Kulmiye’’ Guddoomiye Cirro oo caddeeyey in codka muwaadinku yahay awoodda ugu weyn ee isbeddel ka dhallin kara dalka Somaliland

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in cod-bixintu tahay awoodda ugu weyn ee muwaadiniintu isbeddel siyaasadeed kaga dhallin karaan dalkooda Somaliland. Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xafiis xisbiga WADDANI ka samaystay degmada Gacan-libaax…

Read More

Sallaxlay: Raashin loo Qaybiyey 290 Qoys oo ku Baro-kacay Abaaraha Saameeyey Somaliland

Sallaxley 07. May 2017 (SDN/QJ):- Maareeyaha Xidhiidhka Raashinka Somaliland iyo WFP oo fariin u diray maamulka degaanka Saraar Maareeyaha Xidhiidhka Raashinka Jamhuuriyadda Somaliland iyo WFP Mr. Siciid Xasan Cabdillaahi oo hogaaminaya wefti ka socda dalka Denmark, ayaa raashin u qaybiyey 290 qoys oo u soo hayaamay deegaanka Qoolcaday oo ka tirsan degmada Salaxlay. Maareeyaha hay’adda…

Read More

Maamul Goboleed Ku Hanjabay In A Ka Fiirsan Doonaan Xadhiidhka Kala Dhaxeeya Dowlada Federaalka AKHRI

Hirshabeele 07. May 2017 (SDN/QJ):- Kulan deg deg ah yeesheen golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle uuna shir gudoominayay Madaxweynaha maamulkaasi ayaa looga hadlay xiisada siyaasdeed ee u dhaxeysa dowlada Federaalka iyo maamulka Hirshabelle.   War kasoo baxay Maamulka Hirshabelle ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka ay faraglin ku heyso maamulka Hirshabelle , waxaana warkan lagu sheegay…

Read More

Wakaaladda Wararka Shiinaha Oo Shaacisay Qorshe Dawladda Itoobiya Koronto Ku Keenayso Somaliland Iyo Koonfurta Suudaan DAAWO

Beijing 07. May 2017 (SDN/QJ):- Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua oo ka mid ah wakaaladaha warar ee adduunka ugu waaweyn ayaa shaacisay war la xidhiidha qorshe ay dawladda Itoobiya waddo oo ay Laydh ama Koronto ballaadhan ku siinayso dalalka Somaliland iyo Koonfurta Suudaan. Warka arrintaasi ku saabsan oo uu qoray wariyaha weyn ee Ying oo…

Read More

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Qalab Ay Ka Tageen Ciidamadii Maraykanka ee La Dagaalamay SAWIRO

Muqdisho 07. May 2017 (SDN/QJ):- Al-Shabaab ayaa baraha internetka ee taageera ku soo bandhigay jir dad iyo qalab yar yar oo ay ka tageen ciidamadi Maraykanka ee shalay waaberigii weeraray degaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/hoose. Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kumandoska Soomaalida oo watay dayuuradaha helicobterka ah ee loo yaqaano Black Howk ayaa weeraray farisimo Al-shabaab…

Read More