“Labadan Xisbi ee Layliga ahi ee Annagaa helnay iyo Annagaa helnay isku haysta 82-ka Cod ee qaar maqnaayeen, sidaynu u ekaan doonnaa doorashada soo socota ee Madaxweynaha?” Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 09. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay muranka ka taagan Xildhibaanka loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Axaddii dorraad oo ay ku tartameen Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo Baashe markii hore loogu dhawaaqay natiijada, halka Talyanle oo markii hore natiijadaas aqbalay…
