Dareenka Xildhibaan C.raxmaan Talyanle ee Doorashadii Cod dheeriga ahayd ee Golaha Wakiiladda & Qaabka Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Waddani uga Hadleen DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle oo u Tartamayay Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ee uu Arbacadii Baneeyay Gudoomiyihii Hore ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Tilmaan ka Bixiyey Qaabkii ay Doorashadii Maanta u dhacday ee Codka Hal dheeriga ah uu ku Guulaystay Mudane Baashe Maxamed Faarax oo Noqday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda…

Read More

Faysal Cali Waraabe Iyo Muuse Biixi Oo Warmo Siyaasadaysan Is Waydaarsaday, Gudoomiyaha Kulmiye Oo Soo Jeediyay In Doorkan Dalku U Baahan Yahay Hogaamiye Adag Iyo Gudoomiyaha Ucid Oo Sheegay Inaanu Dalku U Baahnayn Hogaamiye Umadda Dal Dalla DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,Ahna Musharaxa Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa warmo siyaasadaysan isku waydaarsaday Madashii Habeenkii jimcihii Su’aalaha lagu waydiiyay ee ay isku keliyaysteen. Waxa uu Muuse Biixi soo bandhigay in dadlku doorkan u baahan…

Read More

Hormo Labaad Oo Siyaasiyiin Miisaan Culusi Kujiraan Oo Ka Soo Jeedaa Deegaanka Hargeysa Oo Dhawaan Ku Biiraya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani,Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah Raggaasi Oo Foore Soo Gaadhay

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Munaasibad Hargeysa ugu qabanayo Siyaasiyiin miisaan Culus oo reer Hargeysa ah oo muddo badan ku soo jiray Siyaasada kuwaasi oo badhkood ka soo diga rogteen Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE. Sida ay tibaaxayaan warar…

Read More

Cugashadda Gudoomiye Faysal ee Ku Xigeenkiisa oo La Wada Sugayo iyo Saadaasha Sida uu u Bedeli karo Jewiga Siyaasadda Somaliland

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa weli laga sugayaa inuu soo xusho murashaxiisa madaxweyne-xigeen ee doorashada madaxtooyada. Faysal ayaa looga bartay inuu arrimaha siyaasadda si deg deg ah go’aan uga gaadho, laakiin waxa ay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in Faysal uu doorkan wakhti siiyay soo xulashada murashaxa madaxweyne-xigeen,…

Read More

‘’Caga-lule  waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” Prof. Cali khaliif Oo Ka Difaacay Xil Ka Qaadistii Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamulka Khaatumo

Buuhoodle 06. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay tallaabada ay xilalkii kaga qaadeen Ku-xigeenkiisii Cabdalle Maxamuud Cali  (Caga-lule) iyo afar xubnood oo kale, waxaanu ku dooday inay ka soo horjeesteen wadahadalka Somaliland ay kula jiraan oo hore maamulkoodu iskugu raacay inay wadaxaajoodkaas galaan. Waxa ka mid ah qodobbada…

Read More

Xildhibaan Qabiile Oo Kominshanka Ugu Baaqay In Ay Talaabo Ka Qaadan Mas’uul Ka Tirsan Xukuumada Siilanyo,Iyo Madasha wada Tashiga oo uu ka dalbaday inay Is Cadeeyaan DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa Komiishanka Doorashooyinka ka dalbaday inay talaabo ka qaadaan Mas’uul ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaas oo ah Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashadda.

Read More

Siyaasi Cali Guray Oo Difaacay Doodii Cirro aanu ka dhex Muuqan Ee Dhexmartay Labada Musharax Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ oo iminka ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay Sida ay ula Muuqatay Doodii dhex martay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne ee Kulmiye Iyo Ucid taas oo uu ka maqnaa Murashaxa Xisbiga Waddani. Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada xidhiidhka…

Read More

Siyaasiyiinta Madasha wada Tashiga oo Iska Fogeeyay Qaban qaabada Doodii Murashixiinta Madaxweyne ee Xisbiyadda Qaranka DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Prof C.salaan Yaasiin Gabay xadi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha wada tashiga ayaa iska fogeeyay inay iyagu casuumeen Murashixiinta Sadexdda Xisbi oo loo qabtay Dood habeenkii Jimcihii taas oo ay ka soo xaadireen Murashixiinta Xisbiyadda Ucid iyo Kulmiye balse aanu ka soo qayb galin Murashaxa Xisbiga waddani oo dhankiisa…

Read More

Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda oo uu faro cididood ku Guulaystay Mudane Baashe Maxamed Faarax DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cali Yuusuf ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda oo uu Dirqi iyo Tu Xun ku Guulaystay Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax oo noqday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha…

Read More

“Dad Baa Jira Horumarka Waddanka Doonaya Inay Is Hortaagaan Oo Ka Xun Argagixisada” Ambassador Baashe Cawil

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay inaanay jirin dan gaar ah oo ugu jirta heshiisyada casriyaynta marsadda Berbera iyo saldhiga Millatari ee xukuumaddu la gashay dawladda imaaraadka carabta. Safiirku waxa kaloo uu sheegay in dawladaha khaliijka ee Sucuudigu hoggaamiyaa ay Somaliland…

Read More

Waa ayo Xildhibaanka Ugu Soo Horreeya Liiska Xil-sugeyaasha Golaha Wakiillada Ee Buuxin Doona Xubinnimada Cabdiraxmaan-Cirro Banneeyo?

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Arbacadii Iska Casilay Xilkii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu Soo hayay Mudo ku siman 12 Sanno. Gudoomiye Cirro ilaa hada waxa uu iska Casilay oo Keliya Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Balse Istiqaallada Xubinnimadii Xildhibaan ee Gobolka Laga Soo Doortay ee Saaxil Way U Hadhay,…

Read More

Ururka Alshabaab oo Soo Bandhigay Gaadhigii Ololaha Doorashada ee Madaxweynaha Kenya oo ay Gacanta ku dhigeen

Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari loogu ololeenayay Xisbiga Madaxweynaha dalka Kenya ee Jubullee , gaarigan ayaana dhawaan laga soo afduubay duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya. Gaarigan Al Shabaab soo bandhigtay ayaa ahaa mid loogu ololeenayay Doorashada Madaxwenaha Dalka Kena gaar ahaan Xisbiga talada dalka…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka oo Magaaladda Ceerigaabo ka Furay Tababar la Siinayo Shaqaalaha Kaadh qaybinta Gobolkaasi DAAWO

Ceerigaabo 06. August 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Magaaladda Ceerigaabo Tababar uga furay Shaqaalaha fulinaya Hawlgalka Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah uga bilaabmi doonta Gobolkaasi 12-ka bishan aynu ku jirno. https://www.youtube.com/watch?v=ASYtlofepiw

Read More

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo Faro Madhan ka Taagan Dhaqaalihii uu ka Filayay Waddamada Reer Galbeedka & Safaradii Dalalka Jaarka oo uu Joojiyey!!

Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa faro madhan ka taagan taageero uu ka filayay wadamada reer galbeedka, taas oo u badnayd inay dawladiisa ku garab istaagaan taageero dhaqaale. Mr. Farmaajo, ayaa dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ka filayay inay fuliyaan taageero dhaqaale oo ay balan qaadeen shirkii London ee Bishii May…

Read More

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Somalia oo Hor tagay Baarlamaanka Somalia kana Raali geliyay Hadal ay ka Cadhoodeen DAAWO

Muqdisho 06. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jibriil ayaa hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka raali galin ka siiyay Xildhibaanada hadaladii uu ku qoray Barta uu Twitterka ku leeyahay. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hortagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu u jeediyay kaga dalbaday in ay raali ka noqdaan ayna…

Read More

Dhacdo Soo Jiidatay Dunnida Waa Golaha Cusub ee Wasiirada Pakistan oo lagu daray Masiixiyiin iyo Hinduus!!

Karachi 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada cusub ee dalka Bakistaan oo ka kooban 46 wasiir ayaa la dhaariyey, ka dib markii dhowaan ay baarlamaanku doorteen Raysalwasaare ku meelgaadh ah oo bedelay Raysalwasaarihii is casilay Nawaz Sharif. Xukuumadan cusub waxaa ku jira labo wasiir oo midna yahay bulshada Kiristaanka ee dalkaasi ka kalena ka soo jeedo…

Read More

Masar: Cadho Hinaase keenay oo ka Dhalatay Olole Dumar ka Dhalatay & Nooca Halku Dheg ee ay adeegsanayaan Saygayga ayaa adiga saygaaga ah’!!

Qaahira 06. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa weli degi la’ cadho hinaase keenay oo ka dhalatay ol’ole ay dhowaan dalka Masar ka bilaabeen dumar dalkaas u dhashay oo fasaxaya in raggu ay dumar badan guursadaan. Ol’olahan oo ay dumarka wadaa ku tilmaameen in ay kula dagaalamayaan guur la’aanta dumarka dalkaas ku soo badanaysa, ayaa ka duulaya…

Read More