”Doorashadii Madaxtooyo ee Somaliland Waxay soo Jiidatay Indhaha Dawlado Shisheeye oo si Dhow ula Socday” Madaxii Goob Joogayaashii Caalamiga ahaa

Nairobi 04. December 2017 (SDN/QJ):-Dawlado badan oo reer galbeed ah ayaa la sheegay inay indhaha ku hayeen doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoontay November 13. Michael Walls oo ah madaxa kormeerayaashii caalamiga ahaa oo u waramay wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inuu doorashadan u dambaysay ku arkay diblomaasiyiin…

Read More

Warbixin Laga Qoray Madaxweynaha cusub ee Somaliland iyo Rejooyinka Shacabku ka Qabaan!!

Hargaysa 04. December 2017 (SDN/QJ):-“Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee uu jagada Madaxweynaha ku guulaystay Mudane Muuse Biixi waxay ahayd mid muhiim u ah dadka reer Somaliland, ujeeddaduna may ahayn oo keliya doorasho madaxweyne, balse waxay tahay in mar kale si dimuqraadiya la isugu wareejinayo hoggaaminta dalka Somaliland ay u noqonayso astaan muujinaysa biseyl iyo deggannaansho siyaasadeed.”…

Read More

Golaha Wakiiladda Somaliland oo Laba Dalooloow Sadex Dib ugu Celiyey Madaxweyne Siilaanyo Sadex Xeer oo uu Golahooda Dib ugu Soo Celiyey Kadib Wax ka bedel uu ku sameeyay iyo Dhaqangalka Xeerarkaas oo la Sugayo DAAWO

Hargaysa 04. December 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wakiiladu Wuxuu ansixiyay Xeerka Booliiska oo wax wayn ka tari doona in la helo Booliis shacabka ilaaliya. Cod dhan 2/3 ah ayay ku ansixiyeen si ay u buriyaan go’aan ay madaxtooyadu 2014 ay xeerka kaga saartay qodobadii shacabka ilaalinayay. Waxaa Kale oo ka mid ah Xeerarka ay Goluhu meelmariyeen kuna…

Read More

Prof Cali Khaliif Galaydh Iyo Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland oo Kulan Wada qaatay & Arrimaha ay ka Wada hadleen DAAWO

Hargaysa 04. December 2017 (SDN/QJ):-Cali Khaliif Gallaydh madaxweynaha khaatumo ayaa faah-faahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxweynaha la doortay ee somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka. Cali Khaliif oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in kulamadaasi ay ku saabsanaayeen heshiiskii labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo dhowaan ku kala saxiixdeen magaalada Caynabo….

Read More

Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland,Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa? Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Qaybta 1aad: Somaaliland oo Afrika U dhigtay Tubta Dimuqraadiyadda (Milgaha Doorashadii 13kii November) Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Si Afrika uga dheegato tubta dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan, Somaaliland, mar kale, waxaa ay cashar qaayo badan u laqintay Afrika iyo guud ahaan dunida. Casharka oo ku baxay tiraabta afaf badan waxaa uu ku astaysnaa qabsoomada doorashada…

Read More

Soomaaliya oo 48 Sano ka Dib laga Bilaabay Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda & Tirada Shahaado la Siiyey

Muqdisho 03. December 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashada Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa Axaddii Maanta bilaabay diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed markii ugu horraysay muddo 48 sano ah, waxaanay ka dambaysay markii sannadkii hore uu Baarlamaanku ansixiyey Sharciga furashada Xibsiyada. Munaasibad Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay Shahaadooyin Aqoonsi ku guddoonsiiyeen Guddiga…

Read More

Hogaamintii Lee Kuan Yen ee Singapore iyo Kelmadihii uu Ku Galay Ololihiisii Doorasho iyo Isbedelka ku dhacay dalkaasi DAAWO

Singapore 03. December 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamintii Lee Kuan Yew.. Nin qudhi waxbu badali kara. Maalintii ay Singapore dawladda gaarka noqotay ee dibadda laga dhigay Malaysia isagoo ooyaya kalmad ayuu yidhi rumawday. “ Singapore way is bixin doonta”.. Caalamka saddexaad intuu ka soo qaaday ayuu caalamka koobaad keenay.. Wuxuu olaha ku galay la dagaalanka musuq maasuqa, sannadkii…

Read More

Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland oo Qaabilay Xubno Ka Socda Baarlamaanka Midowga Yurub oo u Dhaq Dhaqaaqa Aqoonsi raadinta Somaliland SAWIRO

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub,  kuwaas oo si xoog leh ugu dhaqdhaqaaqa qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii ay ictiraaf rasmi ah uga heli lahayd beesha caalamka. Weftigan oo ka kooban xubno ka ah…

Read More

TALO, IYO TUSAALOOYIN :Qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare.)

Waan ku faraxsanahay guusha, iyo horumarka siyaasadeed ee uu waddankeennu (soomaalilaan) gaadhay waa mid uu innoo horseeday yagleelahii, iyo aabbahii jamhuurayada soomaalilaan Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) AHU Iyo madaxwaynayaashii kale oo si qurux, iyo qabayn leh u sii sameeyay hanaanka cod bixinta doorashada ee qof waliba dooran karo qofka uu rabo eyada oo aanay cidna…

Read More

Murashax C.raxmaan Cirro oo Socdaal ugu Kicitimay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya!!

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Murashixii madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar ugu baxay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Cabdiraxmaan-cirro oo tan iyo markii ay doorashada madaxtooyadu qabsoontay, laguna dhawaaqay inuu doorashada ku guulaystay murashixii KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku sugnaa Hargeysa ayaa doraad safar ugu baxay dalka Kenya. Safarka Cirro oo…

Read More

Xukuumadda Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Dhallinyaro Faashash Ku Hubaysan Oo Habeenkii Dhac & Boob Ka Geysta Xaafadaha Hargeysa

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin adag ka soo saartay Dhallinyaro habeenkii koox-koox iyagoo u socda Waxyeeleeya Dadka Maatida ah, sida Dumarka isla-markaana ka qaata wixii hanti ah ee ay markaan sitaan. Dhallinyarada oo Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay ka sameeya Falal budhcad-nimo, iyagoo Faashash iyo budhadh u adeegsada Dadka ay baadhanayaan, ayaa…

Read More

” Waar waa Maxay Jinkan xariifka ahi” Kaftan Fariimeed madaxweynaha cusub – yaan deyn lagaaga tegin Iyo Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu kula-taliyay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu Cadaalada xoogga Saaro, isla markaana aanu la wareegin wax dayn ah oo xukuumaddii hore ka tagtay. Sidaa waxa lagu sheegy qoraal uu ku saxeexan-yahay Jamaal Cali Xuseen oo ay heshay Shabakada Qurbejoog.com, waxaanu u…

Read More

‘’Muuse Biixi Wax Uu Igu Yidhi Khaladaad Fara-Badan Oo Aan Sameeyay Wakhtigii Cabdiraxmaan Tuur Maanta Hadaan Garanayo Maan Sameeyeen’’ Aadan Dhoola Yare DAAWO

Hargaysa 02. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Aadan Dhoola-yare oo ka tirsan Xisbig Mucaaridka ah ee waddani ayaa sheegay in ay la shaqeenayaan Xukumadda Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Halkan geesta kale uu ka hadlay aqoonta uu Madaxwayne Muuse u leeyahay waxaanu sheegayn mar ay isku galaas ahaayeen muuse uu ugu sheekeeyay khalaad farabadan…

Read More

Madaxweyne Biixi: Ma Waxa uu Dooran doonaa inuu soo Dhiso Xukuumad kooban oo Abaal Guda Mise Wuxuu eegi doonaa Danta Guud ee Qaranka?

Hargaysa 02. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku jira maalmihii u dambeeyay ee diyaar garowga dhismaha xukuumadiisa iyo la wareegidda xilka qaranka. Md. Biixi, wuxuu balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo ay hagi doonaan wasiiro iyo masuuliyiin kale oo leh xirfad, si ay u…

Read More