Mulkiilaha Shirkada Qaadka ee Gaafane (Marwo Aamina Muxumed Cali  ‘’Aamina Gaafane’’) Astaan Ganacsi oo Ku dayasho Mudan!!!!!!

Marwo Aamina Muxumed Cali  (Aamina Gaafane) Waa Mid ka mid ah Haweenka Somaliland ee Kaalinta weyn ka Ciyaaray Horumarka ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Waxay dhawr iyo Labaatankii Sano ee u danbeeyay ay ku hawlanayd ganacsiyo kala gedisan oo ay Somaliland ka hirgalisay. Ugu horayn Marwo Aamina Muxumed Cali  ‘’Aamina Gaafane’’ waxay Mudo dheer ilaa maanta dalka…

Read More

Nuxurka Go’aamo laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi 

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda, Ergay Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Laamaha Xukuumada

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markuu Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Markuu Arkay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markuu ku Qancay:            In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Todoba Mas’uul oo Ciidamada ah!!!

Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid   Markuu Arkay:                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;   Markuu Arkay:                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markuu ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa…

Read More

Sare u Kac Xoogan oo Ku Yimid Qiimaha Sarifka Dollarka ee Suuqa Hargaysa & aragtida Sariflayaasha DAAWO

Hargaysa 21. February 2018 (SDN/QJ):-Qiimaha isku bedelka lacagta Somalialnd iyo lacagta dollarka ayaa saddexdii habeen ee u dambeeyay uu isbedel ku yimid, waxaana muuqata inuu sare u kacay sarrifku. Qiimaha sarrifka ayaa markaad sidato dollar ee aad doonayso lacagta Somalilnd oo loo yaqaano gacanta hore waxa boqolka dollar laguu bedelayaa milyan iyo lixdan kun oo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Safiirka Jarmalka ee Somaliland Iyo Somalia Qaabilsan & Arrimaha ay ka wada Hadleen DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 21. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka  Jarmalka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Markus Bollmohr. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka labada dal u…

Read More

Laba Wasiir oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Maanta Booqday Buurta Dalxiiska Caanka ku ah ee Daalo oo Laga Sameeyay Mashruuc Dhirayn ah DAAWO

Ceerigaabo 19. February 2018 (SDN/QJ):-Wefti uu Hogaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Enginer Xuseen Cabdilaahi Buuni oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa Maanta soo Kormeeray Mashaariic ay ka Mid yihiin Dhiraynta Buurta Daalo iyo Cisbitaalka Guud ee Ceerigaabo oo Dib u habayn lagu Samaynayo kaas oo Sanduuqa…

Read More

War Deg Dega:— Koox Rabtay inay Gudaha Somaliland Mas’uuliyiin ka Afduubaan oo Xukun Maxkamadeed Maanta lagu Riday,Halka ay Ka Soo Jeedaan & Tiradooda!!!!

Baligubadle 19. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee gobolka Hawd Seekh Cabdillaahi Maxamuud Aw Cabdi ayaa Xukuno iskugu jira Xadhig iyo Ganaax lacageed ku Riday 24 Eedaysane. 24 Qof ee maanta la Xukumay ayaa lagu soo eedeeyey dambiyo kala duwan,halka 4 ka mid ahi yihiin Itoobiyaan isku dayey inay gudaha Somaliland masuuliyiin ka af-duubaan. Nimankan oo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Ku Xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somaliland Iyo Somalia Iyo Qodobadii ay ka wada Hadleen SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter de Clercq. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada…

Read More

Magaaladda Hargaysa oo Maanta Lagu Soo Bandhigay Filim ka hadlaya Qiimaha Nabada oo uu Hal abuuray Mid ka Mid ah Abwaanada Somaliland & Weedhihii Laga Jeediyey DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’galinta JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu soo bandhigayay filim ka hadlaaya nabadda, kaas oo uu hal-abuurkiisa lahaa Abwaan Axmed Aw Geedi.

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Shir la Qaatay Ku Xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Iyo Qodobo ay isla qaateen SAWIRO 

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay Wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Binu’aadanimada, una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq. Kulankaasi gaarka ah waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar…

Read More

Urur-goboleedka IGAD Oo Qayb Ka Noqonaya Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya DAAWO

Hargaysa 19. February 2018 (SDN/QJ):-Urur goboleed IGAD ayaa lagu wadaa in uu qayb ka noqdo dhexdhexaadinta wadahadallada la filayo in ay dhawaan u bilaabmaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Xamar ee Soomaaliya. Waxaana la sheegay in wadahadalladan uu urur goboleedka IGAD kaalin muuqata ka qaadan doono, iyadoo ay dawladda Somaliland si weyn u soo dhawaysay…

Read More

Kala duwanaanshayaha aragtida siyaasiga ahii ma aha is colaadin, iyo ciilqabnimo

Xayndaabka siyaasiga ah waxa xidha mabda, iyo go’aamada masiiriga ah ee dawladnimo, iyo xisbinimo ba leh. Qof waliba meel ayuu ku fiican yahay, ama uu ku habboon yahay. sida aqoonta, khibradaha kala duwan, hawlkarnimada, kartida, iyo go’aan gaadhida. Haddaba innaga oo ka dulayna arrimahan. Waxa aynu ogsoonahay heerka cilmiyeed, iyo khibradeed ee Proff Ismaaciil Hurre…

Read More

Ciidanka Booliska oo Sharaxaad ka Bixiyey Sababta Keentay inay Xabsiga Dhigaan Agaasimihii Telefishanka Universal ee Somaliland iyo Nin Shalay lagu Xidhay Magaaladda Burco  DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta faahfaahin ka Bixiyey Sababta Keenta Xadhiga agaasimaha Telefishanka Universal ee Somaliland Maxamed Caabi oo Maanta la Xidhay iyo eedaysane labaad oo lagu Magacaabo Saleebaan Ibraahin Maxamud oo Shalay Lagu xidhay Magaaladda Burco.

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo u Cadeeyay Wefti Sare oo ka Socda Urur Goboleedka Igad in Somaliland aanay ka Laabanayn Gaadhitaanka Ciidankeeda ee Degmada Tuko-raq SAWIRO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti  ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Amb. Maxamed Guyo, oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Orod-yahano ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Guul soo Hooyay DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas C.laahi Fadal Iimaan ayaa maanta abaal marino kala duwan gudoonsiiyey Orodyahanada Ciidanka Booliska ee Guusha ka soo hooyay Tartan Orodka Maaratoonka ah oo Shalay Lagu qabtay Caasimadda Hargaysa Isla  markaana ay ka qayb qaateen Orodyahano Somaliland u dhashay iyo Kuwo Dalalka Dibada ka yimid.

Read More

Wasaaradda Shaqo gelinta Somaliland iyo Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Yemen ee Somaliland ku Sugan oo ka Wada Hadlay Diiwaangelinta Ajaaniibta Yemen u dhashay ee Somaliland ka Shaqeeya DAAWO

Hargaysa17. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta xafiiskeeda waxay Kulan kula qaadatay Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Dalka Yemen ee Ku Sugan Somaliland.

Read More