Laascaanood:Dhacdo Cajiib ah Wiil Soo Qabsaday Xayawaanka Diinka & Xannuun Culus oo Asiibay DAAWO

Laascaanood 17. February 2018 (SDN/QJ):-Iyadoo Mudooyinkii u Danbeeyay ay Wasaaradda Deegaanku qaaday Hawlgalo Wax lagaga qabanayo dad si sharci daro ah u Ugaadhsanaya Xayawaanka Diinka ayaa Waxaa Deegaan ka Tirsan Gobolka Sool ka dhacday in Wiil soo qabsaday Xayawaanka Diinka ay Waxyeelo caafimaad ka soo gaadhay kaas oo hada lagu dabiibayo Magaaladda Laascaanood.

Read More

Dawlada Faransiiska oo Somaliland Gaar ahaan Caasimadda Hargaysa ka furaysa Farac ka mid ah Idaacada Radio France & Xukuumada Somaliland oo soo dhawaysay DAAWO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa Maanta Qaabilay Wefti ka Socda dalka Faransiiska oo uu hoggaaminayey safiirka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Antoine Sivan iyo Xubno Kale oo Booqasho ku Yimid Wasaaradda Warfaafinta.

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayso Safiirka Denmark ee Somaliland Iyo Somalia iyo Arrimaha ay ka wada hadleen

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti  ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi…

Read More

Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Oo Faah-faahin Dheer Ka Bixiyay Sababaha Ku Kelifay Is Casilaadii uu Maanta Ku dhawaaqay DAAWO

Addis Ababa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaarihii Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo goordhayd is casiley ayaa hada Faah-faahin ka bixiyay sababaha uu iskaga casiley Xilkii. Ra’isul wasaarahe Desalegn oo xilkaasi hayey tan iyo September 21, 2012, bil kadib geeridii Meles Zenawi  ayaan la ogeyn sababta uu isku-casilay. Hase-yeeshee, waxa dalkaa ka socday dhawrkii sannadood ee u dambeeyey…

Read More

Wefti Sare oo Ka socda Dawlada Ingiriiska oo Maanta Kormeer ku maray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland DAAWO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland oo uu Horkacayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa maanta Kormeer indho indhayn ah ku soo mariyey Waaxyaha ay Wasaaradda Warfaafintu ka kooban tahay Wefti ka socda Dawlada Ingiriiska.

Read More

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka Socda Dalka Faransiiska SAWIRO

Hargaysa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Faransiiska oo uu hoggaaminayey safiirka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Antoine Sivan, oo ay wehelinayeen xubno kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu weftiga ku bogaadiyey boqashada…

Read More

Raysal-wasaarihii Federaalka Itoobiya oo iska Casilay Xilkii Xukuumadda iyo Hoggaamintii Xisbiga!!!

Addis Ababa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya. Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa. Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front. Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa…

Read More

Madaxweynihii Koonfur Afrika oo Is-casilay iyo Tallaabooyinka Xiga – Warbixinihii u dambeeyey

Koonfur Afrika 15. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynihii dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa is-casilay xalay, ka dib markii cadaadis xooggan ay saareen Xubnaha Sare ee Xisbigiisa ANC oo ku qasbay inuu xilka ka dego markii musuqmaasuq iyo in awooddu gacantiisa ka baxday lagu eedeeyey. iscasilay. Mr Zuma ayaa cadaadis ballaaran kala kulmay xisbigiisa ANC oo ka dalbaday…

Read More

Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukumadda Muuse Biixi Cabdi Oo Isku Tuur-Tuuray Waajibaadka Xilka Ay Qaranka U Hayaan Iyo Eedaymo Ay Isku Duur Xuleen DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Shaqo galinta Hinda Jaamac Xirsi ayaa isku tuur tuuray Cid leh ogaansha Da,yarta Xoogan somaliland ee Ciidan ahaan loogu qaaday Waddanka Qadar. Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha qoyska Somaliland Hinda Jaamac Gaani waxay sheegtay dhallinyarada muddooyinkii u danbeeyey loo qaadaayey…

Read More

Wasiirka Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryaynta Somaliland oo Magaaladda Buuhoodle Maanta Kulamo kula qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha Dawlada Iyo Kormeer uu Ku Tegay Mid ka Mid ah Jaamacadaha ka Furan Buuhoodle DAAWO

Buuhoodle 11. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo socdaal ku jooga gobolka Buuhoodle ayaa maanta kulamo la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dawladda ee gobolkaasi, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii loo dardar gelinlahaa adeegyada ay bulshada gobolkaasi u hayaa.

Read More

Xadigii ugu Badnaa ee Maandooriyaha Khamriga Iyo Xashiishada oo Maanta Meel Fagaare ah oo Magaaladda Burco ah Lagu Gubay,Xashiishad lagu Beero Guri Ku Yaala Burco oo La Shaaciyey & Dooda Garsoorka DAAWO

Burco 11. February 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada booliiska Somaliland ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay Khamri aad u tiro badan iyo Xashiishad lagu iibinayay qeybo kamid ah magaaladaasi. Booliiska Burco ayaa qabtay 904 Quraarado amase Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaadhaya Hal Kiilo iyo Badh, waxaana waxyaabahan maanka dooriya ka ganacsanayay dad…

Read More

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Amniga Qaranka ee hogaamiyayaasha Soomaalida ee Muqdisho Lagu soo Khatimay

Muqdisho 11. February 2018 (SDN/QJ):-Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah oo dhinayadu ku heshiiyeen. Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta Siyaasadda loo…

Read More

Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Saartay Go,aamo Tag-Darro Badani Ka Muuqato Iyo Lacag Aan Dalka Ka Shaqayn Oo Ay Ku Sar-Gaysay In Wax Lagu Kala Iibsado DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Shidaalka dalka Keena ayaa Maanta si wadajir ah u Shaaciyay Go’aamo ay ka gaadheen Qiimo Korodh ku Yimid iibka Shiidaalka dhawrkii Cisho ee la Soo dhaafay. Wasiirka wasaarada Horumarinka Ganaciga ayaa sheegay maanta mar uu xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa,id in qiimaha shidaalka oo kor u kacay…

Read More

“Waxaan U Fahanay Caydii Shalay Ee Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki In Uu Ku Xalaashanayo Guriga Ku Xiga Ee Agoontu Leedahay” Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ayaa ka jawaabay hadalo xanaf ah oo uu Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki oo ka tirsan Golaha Wakiilada uu hawada u  mariyay Guddomiyaha Xisbiga Ucid waxaanu sheegay Guddoomiye ku xigeenku in uu doonayo Balaaki in uu ku  xalaashado hadalkaasi Guri ay leeyahii  Agoon oo ku dhagan…

Read More

“Cabdilaahi Balaaki Waxaaan Leeyahay Haddaad Wax Qabanayso Xaafadii Laga Soo Doortay Ee Goljano Waddo Ayaa Ka Dhisayaaye Kaalay… Dumar Badana” Xildhibaan Nac-Nac DAAWO

Hargaysa 11. February 2018 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay hadal Af-lagaado ah oo ka yeedhay Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki oo ay uu ku aflagaadeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid. https://www.youtube.com/watch?v=XWf2ScXB4AQ

Read More