Masar oo xaqiijisay ka qeybgalka ciidamada Nabadeynta Afrika ee Soomaaliya
Qaahira (QM) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Dr. Badar Abdel Aty, oo shir jaraa’id qabtay kadib kulan uu la qaatay dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay go’aansatay ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya “AUSSOM”. “Waxaan xaqiijineynaa mabda’a adag ee Masar ee ixtiraamaya madax-bannaanida, midnimada,…
