admin

    Madaxweynaha Maamulka Puntland oo sharaxay sababaha loo joojiyay Shidaalkii ka imaan jiray Yemen

    Garoowe Feb 25 2013 (SDN)– Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxa uu ka hadlay muran ka taagnaa joojinta Shidaalkii ganacsatada Puntland ay kala imaan jireen dalka Yemen. Faroole ayaa sheegay in sababta loo joojiyay Shidaalka ay tahay in laga hortago in Al-qaacidada Yemen ay soo galiso gudaha Puntland iyadoo kusoo dhuumanayso buu yiri…

    Read More

      Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wakiilka EU ee Geeska Africa (Sawirro)

      Muqdisho, 24, Feb, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark  iyo wakiil  ka socda Safaarada Faransiiska ee Kenya. . Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka…

      Read More

        Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo maanta xusay 43-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaaskooda

        Muqdisho Feb 24 2013 (SDN)– Munaasabadani oo lagu maamusaye 43-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka difaaca dalka Wasirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamulka Gobalka Banaadir.Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed…

        Read More

          Soomaali loo qabtay qaraxyadii qasaaraha badan geystay ee ka dhacay Magaalada Hyderabad dalka Hindiya

          Hyderabad  Feb 24 2013 (SDN)— Saraakisha ciidaada amaanka wadanka Hindiya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 2 ruux oo mid kamid ah uu Soomaali yahay. Masuul booliska Hindiya u hadlay aya sheegay inay rumaysan yihiin in labada qof ee mid Soomaaliga yahay ay ku lug lahaayeen qaraxyadii dhawaan ka dhacay magalada Hyderabad. Waxaana laga qabtay…

          Read More

            Ra’iisul waaaraha Soomaaliya Saacid oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo

            Moqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo.  “Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada…

            Read More

              Dagaal qasaaro geystay oo ka qarxay maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose

              Kismaayo Feb 23 2013 (SDN)— Dagaal qasaaro geystay ayaa maanta ka bilaawday Magaalada Kismaayo kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Raaskambooni iyo Maleeshiyo beeleedyo ka soo horjeeda. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijinayay in dagaalka uu ayahay mid xoogan islamarkaana uu xoogiisa ka soconayo Xaafada Calanley oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta…

              Read More

                R/wasaare Kuxigeenka Turkiga oo la kulamay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

                Muqdisho Feb 23 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta si gooni gooni ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Kulanka koowaad oo uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyadoo kulanka uu ahaa mid…

                Read More

                  Madaxweynaha dalka Kenya oo Amaanay Ciidamada Kenya ee howlgalka kawada Koofurta Soomaaliya

                  Eldoret Feb 23 2013 (SDN)–Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki,oo si weyn u amaanay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan taageerada Malitari ay u fidinayaan xukuumada Soomaaliya. Mwaki Baki,Madaxweynaha Kenya oo shacab badan oo Kenyaan ah ka hor hadlayay Maalintii shalay ayaa sheegay in wadankiisa uu sii kordhin…

                  Read More

                    Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

                    Muqdisho Feb 23 2013 (SDN)— Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga Bakir Bosdig ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka hormarinta dalkaasi, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cade Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji iyo…

                    Read More

                      Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hogaaminayo R/wasaare Kuxigeenka dalkaasi oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

                      Muqdisho Feb 22 2013 (SDN)– Raysal wasaare ku xigeenka dalka oo Turkiga Bekir Bozdag iyo wasiirka horumarka dalkaasi Cevdet Yilmaz ayaa la qorsheynayaa inay booqasho ku yimaadaan maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Safarka masuuliyiintaan ka tirsan dowlada Turkiga ayaa waxaa uu qeyb ka yahay safar labo maalin ah oo la doonayo inay ku tagaan…

                      Read More

                        Sweden oo ka tashaneysa Ciidamo kale oo ay u soo dirto dalka Soomaaliya

                        Copenhagen Feb 22 2013 (SDN)–  Barlamanka dowladda Sweden ayaa eegaya suurta galnimada in qaar ka mid ah ciidamadooda badda loo soo diro xeebaha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka burcad badeeda. Talaabadaani ay Swedenciidamada ugu soo dirayso biyaha Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 210 milion oo ah lacagta wadankaasi. Barlamanka dalka Sweden…

                        Read More

                          Prof Jawaari oo ku sugan Nairobi kana warbixiyay howlaha Barlamanka Soomaaliyeed

                          Nairobi Feb 22 2013 (SDN)—Guddoomiyaha Barlamanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa waxa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxda ugu sareysa dalka Kenya, xili uu halkaasi socdaal ku tagay. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya halkaasi oo lagu wado in uu kula kulmo Madax…

                          Read More

                            Madaxweyne Xasan oo Japan ay ku casuumtay Shirka hormarinta Africa ee TICAD

                            Muqdisho Feb 22 2013 (SDN)—Dowladda Japan ayaa ku martiqaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya shir caalami ah oo looga hadlayo hormarinta qaarada Africa. Safiirka Cusub ee dowladda Japan ay u soo Magacaawday Soomaaliya aya soo gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warqada Casuumaada Shirkaasi oo lagu Magacaabo TICAD (Tokyo International Conference for African Development) kaasi oo ah…

                            Read More