admin

    DHAGEYSO: Wasiirka Gaashandhigga oo ka warbixiyay kulan ay maanta Gudigga Farasamada ku yeesheen Muqdisho

    Muqdisho Jan 22 2013 (SDN)– Wasiirka Gaashandhigga dowladda Soomaaliya ayaa faah fahin waxa uu ka bixiyay kulan ay maanta Garoonka Diyaarada Muqdisho ee Aadan Cade ku yeesheen Gudiga Farsamada Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed kaasi oo ay uga hadleen arrimo badan oo muhiim ah. C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa tilmaamay in waxyaabihii ay ka hadleen oo muhiim…

    Read More

      DHAGEYSO: Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo sharxaya qaabka maamulo loogu sameynayo degmooyinka iyo golada laga saaray Al Shabaab

      Muqdisho Jan 22 2013 (SDN)– Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuled oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxa uu sharaxay qaabka wasaaradiisa ay u qabaneyso shaqda golaha wasiiradu ay u igmadeen ee ah maamul u sameynta gobolada laga saaray Xarakada Al Shabaab. Mr. C/kariim ayaa sheegay in…

      Read More

        Axmed Madobe oo sheegay in maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo ee gabo gabo mareso

        Kismaayo Jan 22 2013 (SDN)— Hogaamiyaha Kooxda raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta Saxafiyiinta kula hadlaayay Magaalada kismaayo ayaa tilmaamay in heer gaba gabo ah uu maraayo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gado. Hogaamiyaha Kooxda raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta Saxafiyiinta kula hadlaayay Magaalada kismaayo ayaa tilmaamay in heer gaba gabo…

        Read More

          Maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda oo xukuno kala duwan ku riday Askar ka tirsan ciidamad dowladda

          Jowhar Jan 22 2013 (SDN)—Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Xukun dil iyo Xabsi waxaa ay ka fulisay degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe. Kadib markii ay gareen maanta Jowhar Masuuliyiinta maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa durba waxaa ay xukuntay afar ruux oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan. Gudoomiyaha Maxkamada…

          Read More

            Ra’iisul wasaare Saaci iyo Danjire Mahiiga oo maanta Muqdisho ku kulamay, Maxay kawada hadleen Aqriso (Warsaxaafadeed)

            Axad, January 22, 2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay Horumarada Xukuumada, aqoonsiga Dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Difaaca Xuquuda Aadanaha iyo Dib…

            Read More

              Shirkii Madaxda wadamada Jaamacada carabta oo soo gaba gaboobay, Maxaa ka soo baxay

              Riyaad Jan 22 2013 (SDN)— Shirkii wadamada carabta ee looga hadlaaye dhaqaalaha wadamada carabta ee ka socday dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan Magaalada Riyaad ayaa la soo gaba gabeeyay goordhaweyd iyadoo arimo dhowr ah looga wada hadlay. Xoghayaha labaad ee safaarada Soomaalida dalka Sacuudiga Cali Nuur Macalin oo la warbaaninta ayaa wuxuu sheegay in arimaha…

              Read More

                Ingiriiska oo dhaqaalo lagu sii wiiqayo Awooda burcad badeeda ugu deeqaya Soomaaliya

                London Jan 22 2013 (SDN)– Xilli hoos ay u dhacayeen weerarada ay qaadayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan,ayaa waxaa jira dowlado isku taxluujinaya sidii gabi ahaanba loo ciribtiri lahaa burcad badeeda iyo qatartooda. Dowlada Britain oo ka mid ah dowladaha sida weyn kaga soo horjeeda falalkooda guracan,…

                Read More

                  Golaha Guurtada Beelaha Hawiye oo warsaxafadeed ka soo saaray arrimahii ugu danbeeyay ee dalka Aqriso

                  Muqdisho Jan 22 2012 (SDN)– Golaha Guurtada Shir ay isugu yimaadeen, waxeey ka doodeen xaaladda siyaasadeed ee dalku uu maraayo waxeyna isla garteen arimaha hoos ku qoran: 1. In la taageero Aqoonsiga dowlada soomaaliyeed ay ka heshay Dowlada Mareykanka ¡yo Arrimihii ku xusnaa aqoonsigaas 00 saI u noqonaya Midnimada ¡yo Qaranimada Soomaliyed Dhinac walbo, waxaana…

                  Read More

                    Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Masar Maxamed Mursi

                    Riyaad Jan 22 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ayaa wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi oo ay kawada hadleen arimo dhowr ah.  Kulanka oo intiisa badan diirada lagu saaray iskaashi dhexmara labada dal ayaa Warbaahinta waxaa faah-faahin ka siiyay Xoghayaha labaad…

                    Read More

                      Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulmay, Maxay ka hadleen Ariso (Warsaxaafadeed)

                      Muqdisho, Isniin, 21, Jan, 2013….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.  Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha…

                      Read More

                        Wafuud ka socota Hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay oo maanta booqday Magaalada Baladweyne, Hiiraan

                        Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxa uu gaaray Magaaladaasi, isagoo halkaasi kula kulmay mas’uuliyinta gobolkaasi.  Wafdiga Qaramada Midoobay ka socday oo ka koobnaa hay’addaha OCHA iyo WFP ee qaabilsan hormarinta iyo Cunada ayaa gaaray Baladweyne barqanimadii saakay.  Markii wafdiga uu…

                        Read More

                          Banaabax Balaaran oo uu ka qeybgalay Ra’iisul waaaraha Soomaaliya oo maanta kadhacay Muqdisho

                          Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Banaanbaxani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Beerta Nabadda ee Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir.  Waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka,Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo…

                          Read More

                            Banaabax lag u soo dhaweynayo Aqoosigii Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya oo ka soconaya Muqisho

                            Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Dibadbax ballaaran ayaa hada wuxuu ka socdaa Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Banaanbaxa oo ka dhacaya halka loo yaqaan beerta Nabadda oo ka tirsan Degmada Xamarweyne ayaa waxaa ku sugan boqolaal dadweyne ah iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsna Dowladda. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir…

                            Read More

                              Human Rights Watch oo Ururka Midowga Africa hordhigi doonta Tacdiyadii ka dhacay Soomaaliya bilihii u danbeeyay

                              Addis Ababa Jan 21 2013 (SDN)-Kulanka madaxda Uurka Midowga Africa oo ka furmi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta Wadanka Ethiopia ayaa waxaa ka qeyb gali doona agasimaha Hay’ada xaquuqul Aadanaha HRW ee Qaarada Afrika u Qaabilsan, isagoona kulamo la qadan doona gudoomiyaha ururka Midowga Africa Dalamina Zuma. Shirka ayaa furmaya 27-ka bishaan, HRW ayaa…

                              Read More

                                Mr. Saacid: Waa Dhamaaday Xiligii hantida Islaameyd xoog lagu heysan jiray hala ogaado

                                Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in iminka wixii ka dambeeyo ay jiri doonto awooda Dowladda Soomaaliya. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay inaysan jiri doonin hanti shacab oo si xoog ah loo heesto Dowladda cusub ee Soomaaliyana ay ku dadaalayso inay la timaado isbedel dhab…

                                Read More

                                  Shirlooga hadlayo dhaqaalaha wadamada carabta oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay oo ka furmaya Sacuudiga

                                  Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Dalka Sacuudiga ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo dhaqaalaha wadamada carabta kaasi oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin kala duwan. Shirka oo ka dhacaya magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kala duwan,waxaana kamid ah masuuliyiinta ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu…

                                  Read More