admin

QM oo ka hadashay xaalada Soomaaliya

NY October 26, 2023(QJ) -Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Arbacadii shalay ayaa xuska maalinta Qaramada Midoobay uga hadashay arrimo ku saabsan colaadda u dhexeysa dawladda Faderaalka iyo Puntland iyo xaaladda Laascaanood. Catriona Laing ayaa ku boorisay…

Read More

Puntland oo ka hortimi in wax laga bedelo Dastuurka Soomaaliya

Garoowe October 25, 2023 (QJ)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda dalka, gaar ahaan Puntland. Deni ayaa khudbadiisa ku dhaliilay madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo horjeestay heshiisyada ay…

Read More

Dalada Mucaaridka ayaa ka soo horjeestay Jedwelka Doorashooyinka

Garoowe October 24, 2023 (QJ) -Maanta waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland shir ku yeeshay dallada mucaaradka ah ee Puntland, kaas oo ay kaga hadleen muddo kordhinta madaxweynaha iyo jadwalka doorashada ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Puntland. Warsaxaafadeedkooda ayay xisbiga mucaaradka Puntland ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin in guddiga doorashada oo markii hore…

Read More

Warbixinta QM: Soomaaliya weli qalalaasaa ka jira

NY October 23, 2023 (QJ)- -Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban boqol bog, iyadoo ka hadashay xaaladda ammaan ee Soomaaliya. Warbixinta oo sanadkiiba mar la soo saaro, ayaa ka hadashay arrimo badan oo kala duwan, sida ammaanka, arrinta Al-Shabaab, siyaasadda, arrimaha bini’aadantinimada, socodka hubka iyo…

Read More

Ciidamada dawlada oo la wareegay degaanka Ceel-boon

Baydhabo October 23, 2023 (QJ)-Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in deegaanno muhiim ah lagala wareegay dagaalyahannada Al-shabaab kaddib dagaallo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guutada 260-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu soo waramayaa in ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Boon oo qiyaastii…

Read More

29 ka mid ah shaqaalaha QM oo lagu dilay Duqeymada ku socda Gaza

Gaza October 23, 2023 (QJ) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Axaddii 29 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Qaza, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo UNRWA, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay dhimashada dadkan, iyadoo tirada dhimashaduna ka dhigayso 29…

Read More

Wasiir Biixi oo ka warbiyaydeymaha dalka

Muqdisho October 21, 2023 (QJ) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku maareyso deymaha lagu leeyahay. Wasiir Cige waxa uu sheegay in xukuumaddu ay horumar la taaban karo ka samaysay ururinta dakhliga…

Read More

Somaliland oo ka cabatay aqoonsiga SSC-Khaatumo

Hargeysa October 20, 2023 (QJ) – Somaliland ayaa si adag uga hadashay aqoonsiga ay dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC-Khaatumo ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood. Talaabadan ayaa ay SL Ku tilmaamay mid halis ku ah qaranimadeeda. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay aqoonsan tahay SSC-Khaatumo mid gardaro ah….

Read More