QM: Aqoonsiga SSC-Khatumo rasmi ma aha
-Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay sheegtay in aysan si rasmi ah u aqoonsanayn SSC-Khaatumo maamul-goboleed ka dib markii dhawaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay cadaysay inay aqoonsan tahay madaxda Khaatumo. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing oo wareysi siisay Mustaqbal Media ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aan si rasmi…
