Raiisul wasaaraha cusub oo la hambalyeeyay

Muqdishu (QJ) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa hambalyo u diray Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay,…

Read More

Xogo aanu ka helnay abaabul ay wadaan mucaaradka Somaliland

Hargeysa (QJ) – Mucaaradka Somaliland waxay mar kale wadaan abaabul xoogan oo ay ka wadaan dhammaan lixda gobol ee dalka, kaas oo lagu rabo in lagu qabto mudaharaado lagu taageerayo isu soo baxyo lagu taageerayo hanaanka dimuqraadiyada. Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa tibaaxaya niyad-jab wayn oo ay mucaaradku ka filayaan dhanka madaxweyne Biixi kadib…

Read More

Madaxweyne Biixi oo go’aan ka gaadhaya dadkii xidhnaa

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Arbacada maanta kusoo laabtay magaalada Hargeysa kadib safar uu ku tegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo uu weji gabax kala kulmay taageerada dhanka dadka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la arkay kiyoo xidhan jaakada rasaasta la isaga dhigo, taas oo sawir ka bixisay shakhsiyadiisa…

Read More

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Hamza Cabdi Barre

Mogadisho (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Xamse Cabdi Barre u magaacaabay Raisul Wasaaraha 21aad ee Soomaaliya. Raiisul Wasaaraha Cusub ayaa ku dhashay kana soo jeeda degaanka Jubaland, waxaanu xiriir dhaw la leeyahay madaxweyne Axmed Madoobe. Hamse Cabdi Barre ayaa ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka…

Read More

Faallo ku saabsan Wareysiga dharka ka dhigay Fahad!!!! Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya (NISA)

Ugu horreyn, waxaan akhristayaasha qoraalkaan u sheegaya inay igu adkaatay sugidda saddexda magaca ee rasmi ahaan loogu yeeri karo Agaasmihii hore ee NISA. Qof mas’uul ah ma lahaan karo dhawr magac. Hadda ka hor, Warbaahinta Keyna waxay qortay war sheegaya in hay’adaha Ammaanka baarayaan baasaborro magacyo is khilaafsan ku qoran yihiin oo sawirka Fahad!!! ku…

Read More

Dowlada Somalia oo Abaaraha kala hadashay QM iyo Mareykanka

Muqdisho (QJ) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Sooomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha dalka Md C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya . Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha ee dadka abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa ka qeybgalay, Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador…

Read More

Xarunta Xuquuql Insaanka oo canbaareysay xariga Shacabka

Hargeysa (QJ) – Xarunta Xuquuqal Insaanku madaxa-bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysaa xadhiga jidhdilka, iyo dhaawaca dowladda Somaliland u geysatay dadkii bannaan baxa salmiga ah isugusoo baxay 9/6/2022. Xarunta xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland waxay sixoogan u cambaaraynaysaa xadhiga, dhaawaca iyo jidhdilka dowladda Somaliland ugeysatey xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadweynihii…

Read More

Xilima ayaa lasii daynayaa dadkii Hargeysa lagu xidhay Khamiistii

Maanta illaa berri waxa la filayaa in lasii daayo dadkii tirada badnaa ee ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay maalintii Khamiista. Dadkaasi waxay iskugu jireen shacab, masuuliyiinta muraacadka iyo saxafiyiin. Dedaalada sii-daynta ayay sameeyeen gudida iskood isku xilqaantay ee dhex dhexaadinta ka dhex wada mucaaradka iyo xukuumadda. Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa maanta ku hawlanaa in…

Read More

Ka hadalka Beesha Caalamka ee xiisada Somaliland oo lagu hungoobay

Hargeysa (QJ) – Saaxiibada Somaliland ee ka tirsan Beesha Caalamka ayaa war ka soo saaray mudahaaraadkii ay xisbiyada Mucaaridku shalay ka sameeyeen Hargeysa iyo khilaafka doorashooyinka jira. Beesha caalmka ayaa u sheegtay dhinacya muranka siyaasadeed uu u dhexeeyo in ay is xakameeyaan. “Saaxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadeynta Somaliland waxay aad uga walaacsanyihiin…

Read More

Dedaalo dhex dhexaadin ah oo Hargeysa ka socda iyo xaaladda khilaafka

Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka socda dedaalo lagu dhex dhexaadinayo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka oo si wayn iskugu khilaafsan doorashada madaxtooyada ee u muddaysan in Somaliland ay ka qabsoonto 13 November, 2022. Dedaaladan waxay ka kala imanayaan dhinacyo dibadda ah oo Beesha Caalamku ugu horayso iyo dedaalo…

Read More

Nolosha shacabka Somaliland oo sii adkaanaysa iyo xukuumadda oo aamusan

Shacabka Somaliland waxay blihii lasoo dhaafay a daalaa dhacayaan sicir barar xadhkaha goostay iyo maciishada oo kusii adkaanaysa, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo ay dawladdu ka qaaday si qiimayaasha loogu ilaaliyo halkii hore. Qiimaha raashinka, biyaha, shidaalka, korontada iyo kirooyinka ayaa dhammaan kordhay taas oo dad badan aan u saamaxahayn in noloshoodu ay…

Read More