Muuse Biixi oo aan tegin aaska Khadra Daahir, tacsina dirin weli

Hargeysa (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaan saaka tegin aaska fanaanadda waynayd ee Khadra Daahir Cige oo ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecelahay Geeska Afrika iyo Jasiirad-la-mooda Soomaalida, iyadoo 15 saacadood kadib geerideeda aanu wax tacsi ah u dirin. Lama oga sababta ku kaliftay Muuse Biixi arintan xili uu Hargeysa joogay saaka, tacsina weli dirin. Hore waxa…

Read More

Danaha is-diidan ee saxafiyiinta iyo mulkiilayaasha xarumaha warbaahinta Somaliland

Hargeysa (QJ)- Warbaahinta Somaliland gaar ahaan saxfiyiinta ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ka cabanayay siyaasadaha ay rabaan in lagu shaqeeyo mulkiilayaasha xarumaha warbaahinta oo qaarkood ganacsato yihiin, halka kuwo kalana ay siyaasadda u jan jeedhaan. Arintani waxay keentay in badi war-tabiyayaasha ka hawl gala Somaliland ay samaystaan madalo ay farriintooda dhex marin karaan sida Social Media oo…

Read More

Maraykanka oo mar kale caddeeyay mawqifkiisa madax-banaanida Somaliland

Hargeysa (QJ)- Dawladda Maraykanka ayaa mar kale caddaysay mawqifkeeda madax banaanida Somaliland oo imika doodi ay ka taagan tahay, kadib Somaliland oo codsiyo u gudbisay Washington. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda. Safiirka ayaa hadalkan ka…

Read More

Muxuu yahay xeerka sad-buriska ah ee Baarlamanka Somaliland diideen

Baarlamanka Somaliland ayaa maanta isku raacay in dib loo curiyo xeer 23/2019 oo deegaanada qaar u sad burinaya. Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa keenay mooshin lagu diidan yahay dhaqan galka xeerkaas oo aan cadaalad iyo sinnaan midna ahayn, waxaana gacanta u taagay aqlabiyadda baarlamanka. Sharci cusub ayay unki doonaan Golaha Wakiiladu, kaas oo la filayo…

Read More

Deni oo caddeeyay mawqifkiisa xukuumadda Xasan Sheekh oo khilaaf laga faafiyay

Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay cilaaqaadka madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barro, xili la hadal hayay inuu jiro khilaaf ka dhexeeya dawladda cusub. Madaxweynaha ayaa si cad wuxuu u balanqaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub Xamsa Cabdi Barre kaasoo la filayo…

Read More

Soomaaliya oo xusaysa Maalinta Xornimada

Soomaaliya waxa laha xusayaa sanad guurada 62-aad ee aksoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka qaadatay xornimada dalka Talyaaniga oo gumaysan jiray dalkaas. Munaasibado kala duwan oo lagu xusayo ayaa lagu qabtay gudaha Soomaaliya, iyadoo munaasibadda ugu wayni ay xalay ka dhacday Villa Soomaaliya halka maanta taalada SYL ubaxyo uu dhigay madaxweynaha Soomaaliya. Soomaaliya waxay ka…

Read More

Gaboose oo cadaadiskii ugu waynaa wajahaya xili uu daah-furay ururka Barwaaqo

Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay xaflad ballaadhan oo uu ku shaacinayay urur siyaasadeed cusub oo la yidhaa Barwaaqo kaas oo uu hore Hargeysa ugaga dhawaaqay, balse aanu u samayn daah fur. Xafladda ayaa ahayd mid si wayn looga ilaaliyay dadka kasoo jeeda beesha siyaasi Gaboose ee Garxajis waxaana dad badan…

Read More

Nuxurka isku-shaandhaynta ciidamada ee madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyay hoggaanka kala duwan ee ciidamada Somaliland, oo uu qaarkood xilka ka qaaday qaarna dalacsiiyay. Muuse Biixi wuxuu mar kale qaaday tallaabo uu beesha Garxajis ku siinayo taliyaha ugu muhiimsan ciidamada Somaliland ee Sirdoonka, iyadoo xubno beesha ahi ay hore hoggaanka ugu hayeen ciidamo kala duwan sida Booliska…

Read More

Gudida cuno-qabataynta hubka Soomaaliya oo war cusub soo saaray

Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan  cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeynayaan cunaqabateynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada iyo dhoofinta dhuxusha. Guddiga ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo weerarrada sii kordhaya ee Alshabaab. “Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya…

Read More

Goorta ay go’aan soo saarayaan gudida dhex dhexaadinaysa khilaafka Somaliland

Magaalada Hargeysa waxa ka socda dedaalo dhex dhexaadin ah oo ay wadaan guddi ka kooban Golaha Guurtida iyo ergadii hore isu xilqaantay ee cuqaasha iyo culimada ahayd. Waxa la filayaa in maalinta Salaasada ay soo saaraan go’aano la xidhiidha dhex dhexaadinta ay wadaan, kadib kulamo ay la qaadan doonaan mucaaradka iyo xukuumadda. Qurbrjoog oo la…

Read More

Guddoomiye Faysal Cali oo Beesha calamka uga waramay halista dib u dhiga doorashooyinka

Nairobi (SD) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay Universal TV ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka ee ku aadan in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada. Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in 30 sano kaddib Somaliland ay qarka u…

Read More

Xaalado amni ayaa ka dhalan kara Gooanka shirkadaha Korontada Hargeysa

Hargeysa (QJ) – Goaanka ay xalay soo saareen shirkadaha Korontada Somaliland ayaa sababi kara xaalado amani oo baahsan, sida ay durba ka cabanayaan shacabku. Shairkadaha ayaa sheegay in xiliyada habeenkii aaney shacabku heli doonin eedaga korontada, taas oo fursad u siin doonta tuugta guryaha iyo ganacsiyada u dhaca. HALKAN HOOSE KA AKHRISO GOAANKA SHIRKADA KORONTADA

Read More