Nuxurka Khudbad Macno Iyo Miisaan Siyaasadeed leh oo uu madaxweyne Muuse Biixi u Jeediyey Bulshada Reer Somaliland, Kagana Digay Gardarrada Soomaaliya Ka hayso Gobollada Bariga Dalka SAWIRO/DAAWO
Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan oo faahfaahsan uga hadlay arrimo door ah oo ku wajahan ammaanka qaranka, gardarrada maamulka Muqdisho ku hayo gobollada bariga Somaliland, sicir-bararka, abaaraha iyo guud ahaan xaaladda guud ee ay Somaliland waqtigan ku sugan tahay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir…
