Marwo Faadumo Siciid oo Sheegtay in Xadhig Loogu Hanjabay Iyo Cabasho ay Gudbisay oo Wax laga qaban waayay DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegtay in xadhig loogu hanjabay kadib markii ay ka cabatay Maamulka dawlada hoose ee Caasimadda Hargaysa oo Gurigeeda magaalada hargaysa wado ku soo furay sida ay xustay. Marwo Faadumo Siciid oo maanta u Waramaysay Telefishanka Eryal…

Read More

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Ka Hadlay Socdaalkii Dheeraa ee uu ku soo Maray Maamul Goboleedyada Punt land Iyo Gal Mudug DAAWO

Muqdisho 24. January 2018 (SDN/QJ):-Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha dawlada federaalka Somalia ayaa maanta ka hadlay Socdaal mudo qaatay oo uu ku soo maray deegaano ka tirsan Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed ee Punt land iyo Gal-mudug. https://www.youtube.com/watch?v=Ut6xpuOINT4

Read More

‘’Ma Jirto Wax Magacaabis ah oo ii Dhiman Xukuumadaydu way Dhisan Tahay Dhamaanteed Agaasimeyaashuna….’’ Waraysi Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Waraysi dhinacyo badan leh waxa uu Siiyey Weriyaha Idaacada VOA ee Somaliland Barkhad Maxamud Kaariye. Su’aalaha Xiisaha leh ee Waraysigan Ku Jira waxaa ka mid ah Waxa uu Madaxweynuhu ka yeelayo dadka xukuumaddii hore la soo shaqeeyay ee wali xilalka haya? Miyaa la…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Gaadhay Gobolka Sanaaag Isla Markaana Ciidamadda Qaranka Amar ku Siiyey inay Gacan Bir ah ku qabtaan Amniga Deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag ee Beeluhu ku Dirireen DAAWO

Dararweyne 24. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa goboladda barriga  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-Afweyne ee gobolka Sanaag. Weftiga uu hoggaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Ciise Yuusuf…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Jawaab Cad Ka Bixiyey Eedaha Aan Salka Iyo Raadka Toona Lahayn Ee Hoggaanka Waddani U Jeediyaan Natiijada Doorashadii Dalka Ka Qabsoontay Sanadkii Hore!!!

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixix Cabdi, ayaa ka hadlay dhawaaqyo muddooyinkii dambe kasoo yeedhayey madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo salka ku haya saluug aan daliil loo haynin iyo eedo aan meesha qabanin oo ay ka sheegtaan guushii madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE kasoo hooyeen doorashadii madaxnimo ee dalka ka…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Weedhahaa Xanafta Leh Ee Kasoo Yeedhay Qaar Kamid Ah Madax-Dhaqameedka Dalka, Bulshadana Ka Codsaday In Meel Looga Soo Wada Jeesto Shaqaaqada Darar-weyne DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay hadallada xanafta iyo dhiillada xambaarsan ee ay qaar kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland warbaahinta marinayaan, kuwaas oo salka ku haya kala geynta bulshada isku duuban ee reer Somaliland.   Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta arrinta ka hadlay, ayaa madax-dhaqameedka…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Kormeerkiisi U Horeeyey Ku Tegay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka SAWIRO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ku leedahay gudaha caasimadda Hargeysa maanta. Kormeerka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda…

Read More

”Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan ka codsanayaa, marka ay reeruhu is dilaan madax-dhaqameedka, suldaanka iyo odaygaa loo tegi jirey” Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-“Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan ka codsanayaa, marka ay reeruhu is dilaan madax-dhaqameedka, suldaanka iyo odaygaa loo tegi jirey, laakiin haddii uu odaygii leeyahay waan dagaallamayaa dabka anigaa wada oo aanu la gabbanaynin sidee la yeelayaa, madax-dhaqameedku waa inay is waaniyaan oo iyagu is qabtaan, waana masiibo, inuu suldaankii ugu soo horreeyo dagaalkii,…

Read More

Wasiirka Arrimaha Guduhu Muxuu Ka Yidhi Dagaal Beeleedkii Dararweyne ?

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. ayaa si adag uga hadlay Dagaal laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex maray degaanka Dararweyne oo hoos-taga Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wasiirka Arrimaha guduhu wuxuu sheegay in Labada Beelood ee ku dagaalamay Dararweyne ay…

Read More

Filim laga sameeyay weerar Al Shabaab ka geesteen Mandera oo abaalmarin caalami ah u tartamaya!!

Nairobi 24. January 2018 (SDN/QJ):-Filim laga sameeyay weerarkii lagu qaaday baskii Mandera, bishii Desembar ee 2015kii ayaa laga loo xushay in uu u tartamo abaalmarinta aflaanta caalamiga ah ee Oscar. Filimka wuxuu noqday midkii ugu wanaagsanaa oo ku saabsan dhacdo dhab ah oo dib loo matalay, wuxuuna hadda ka mid yahay kuwa ku tartamaya abaalmarinta 90aad…

Read More

‘’Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Dhaqaaqa Aad Ciidanka Dhaqaajisay Adoon Labaatan Cisho Jirin Waa Mid Xaaraan Ah” Cali Sandule DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirkii Hore ee Arrimaha Bulshada Somaliland  Cali Sandule ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in uu u sharaxan yahay Musharaxa xisbiga Kulmiye ee Muuse dabaddii iyo hadal uu sheegay in uu muuse biixi si deelqaaf ah u yidhi intii uu ahaa musharaxa..

Read More

“Colaada Ceel-Afwayn Waxaa Ka Mas’uula Oo Dabadda Ka Riixaysa Xukumadda Kulmiye Ee Imika Iyo Tii Horba” Af-Hayeenka Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku eedeeyay Xukumadda Somaliland in ay dabada ka riixayso Colaada Ceel-afwayn ee shalayto markale dib u bilaabantay waxaanu ku eedeeyay Xukumadda  imika jirta ee kulmiye iyo tii hore waa  sidda uu yidhiye

Read More

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Madal Il yartu is qabatay Kaga Hadlay Colaada ka soo Cusboonaatay Deegaanka Dararweyne,Gaadhista Xudduudaha & Arrimo Kale oo Xasaasi ah DAAWO

Boorama 22. January 2018 (SDN/QJ):-Guddomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Colaadu ku dhexmartay Deegaanka Ceel-afwayn waxaanu ugu baaqay in waxkasta laga horaysiiyo nabada iyo wadda dhalashada. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ku Sugan Magaaladda Boorama ayaa Maanta ka…

Read More

“Darar weyne Cidda ku Daggaalla-meysa waa xukuumadda iyo beelyar, Hubkii iyo qoryihii xukuummadda Ayaa Beel  lagula Daggaalamaya,Beesha Garxajisna Dagaalka si Toos ah ayay u Gelaysaa Hadii ay Sidaas ku sii Socoto” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Maanta Sheegay in Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag aanu ahayn dagaal u dhexeeya laba beelood balse waxa uu xusay inay Dagaalamayaan Xukuumadda iyo Beel yar sida uu hadalka u yidhi. Suldaanku Waxa uu sheegay in Beeshiisa Garxajis ay…

Read More

” Mushaharka Dawlada Inta Badan Waxaa Qaata Dad Aan Shaqeyn & Mid aan Jirin ” Madaxweynaha Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ujeedda laga leeyahay barnaamijkan shaqaalaha dawladda lagu tiro koobayaa tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan shaqaalaha dawladda ee gacanta ku haya adeegyada bulshada loo hayo, waxaana uu yidhi,“Ujeeddada aynu hawshan iyo tirintan ka leenahay waa inaynu dadka…

Read More

Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo Maanta Lagu Daah furay Qorshaha Madax Taabashadda iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawlada & Khudbadii Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Iyo Wasiirka Shaqo Gelinta DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay’adda shaqaalaha dawladdu. Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta  ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhay Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka ee Degmada Tuka-raq ee Gobolka Sool SAWIRO/DAAWO

Tuko Raq 22. January 2018 (SDN/QJ):-Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici  oo saaka hiirtii waaberi ka jarmaaday magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta gaadhay deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool. Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga  Ciise…

Read More

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Gobolka Awdal u Tegay Sidii uu Shacabka Gobolkaasi ugaga Mahadcelin lahaa Codkii ay siiyeen Doorashadii Madaxtooyadda & Sawirka ku Lamaan Socdaalkiisa DAAWO

Dilla 21. January 2018 (SDN/QJ):-Guddomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa safar ujeedadiisu tahay Mahad celin ku tagay Gobolka Awdal waxaanu sii maray Degmadda Dilla halkaas oo uu dadwaynaha kula qaatay wakhti fiican oo uu kula sheekaystay sheegayna in uu abaal ugu  hayo Codkoodii ay siiyeen. Dhinaca kale waxaa uu cirro inta badan tagi…

Read More